Kumannaan ruux oo u dabaaldagay taariikhda ay samaysay Manchester City

Baska kooxda wada ayaa labada dhinacba looga sacabo tumay Lahaanshaha sawirka Manchester City
Image caption Baska kooxda wada ayaa labada dhinacba looga sacabo tumay

Kumannaan ruux oo taageera kooxda Manchester City ayaa safaf dhaadheer ku galay waddooyinka magaalada iyaga oo u damaashaadaya taariikhda ay kooxdu samaysay, iyadoo markii ugu horraysay hal xilli ciyaareed ku guulaysatay saddex koob oo dalka gudahiisa laga dheelo.

Bas dumasha ka furan oo ciyaartoydu saaran yihiin ayaa dhex maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Manchester.

Ciyaartoyda ayaa markii dambana ka soo muuqday goob ay dad badaan isugu soo aruureen.

Ciyaartii ay lix iyo ebarka kaga badiyeen Watford Sabtidii ayaa u horseeday in ay hantaan koobka FA-ga, waxaana ka sii horreeyay oo ay qaadeen Horyaalka Ingiriiska iyo Carabao Cup.

Kooxdan uu hoggaamiyo Pep Guardiola ayaa noqotay kooxdii u horraysay ee rag ah ee Ingiriiska ka dheesha ee saddexdaas koob isku xilli ciyaareed ku guulaysata.

Hoos ka daawo sawirrada damaashaadka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Taageerayaal lulaya calanka Man City
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kooxda uu tababaro Pep Guardiola ayaa horyaalka hanatay maalintii u dambaysay ee tartanka
Image caption Qoyska Conlan
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Carruur iyo ciroolaba damaashaadka way ka qayb galeen
Lahaanshaha sawirka Manchester City FC/Getty Images
Image caption Vincent Kompany oo damaashaadka ka qaybgalaya
Image caption Taageerayaal sheedda ka fiirsanaya halyay yadooda
Lahaanshaha sawirka Manchester City FC/Getty Images
Image caption Jill Scott iyo Steph Houghton oo Manchester City u dheela ayaa kor u qaaday koobka dumarka ee FA

Mowduucyada la xiriira