Frank Lampard: Chelsea waa inay siisaa Derby County £4m si ay u soo fasaxaan tababarahooda

Frank Lampard Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Frank Lampard waxa uu Chelsea ku qaatay 13 sanadood

Chelsea waa inay Derby siisaa ilaa £4m oo magdhaw ah haddii ay doonayso in ciyaaryahankoodii hore ee Frank Lampard uu noqdo tababarahooda.

Tababarahooda Maurizio Sarri ayaa lagu wadaa in la xaqiijin doono inuu badeli doono tababarihii hore ee kooxda Juventus Max Allegri, Lampard ayaa loo badaniyaa haddaba inuu Sarri badeli doono.

Sikasta oo uu xaal ahaadase, BBC Sport waxa ay fahansan tahay in Chelsea aanay weli wax xiriir ah la sameyn kooxda Derby.

Lampard ayaa kooxda Chelsea waxa uu u qaaday 11 koob mudadii 13-ka sanadood aheyd ee uu ka dheelayay garoonka Stamford Bridge.

Kooxda Chelsea iyo kooxda ku guulaysatay horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa Khamiistii waxa ay ku heshiiyeen qaabka uu noqonayo heshiiska ay ugu kala wareegayaan tababare Sarri, iyadoo la filayo kooxdan ka dhisan dalka Talyaaniga inay bixin doonto £5 milyan oo magdhaw ah si ay ula soo wareegto Sarri.

Goobaha kale ee BBC-da

Goobaha kale ee Internetka ee la xidhiidha qodobadan

BBC-du mas'uul kama aha sugnaansha macluumaadka ka yimaad website kale ee debadda