Paul Pogba: Ciyaaryahanka khadka dhexe uga dheela Man Utd oo sheegay ‘in xilligan ay wanaagsan tahay inuu iska tago'

Paul Pogba Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Paul Pogba ayaa haatan waxa uu ku sugan yahay Bariga fog ee qaaradda Aasiya

Ciyaaryahanka khadka dhexe uga dheela kooxda Manchester United Paul Pogba ayaa sheegay in "in malaha la joogo waqtigii uu meel kale tegi lahaa".

Ciyaaryahankan ku guulaystay Koobka Adduunka ayaa waxaa lala xiriirinayaa inuu lacag fara badan ugu wareegi doono kooxda weyn ee Real Madrid ama kooxdiisii hore ee Juventus oo haatan ah horyaalka Seria A-da Talyaaniga.

Sikastaba xaalku ha ahaadee 26-jirkan khadka dhexe ka dheela oo ka mid ahaa ciyaartoydii ugu wanaagsaneyd Horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkii 2018/2019 ayaa qandaraaska oo kooxdiisa kula jiro waxa uu dhacayaa July 2021.

"Waxaan ka fakarayaa inaan bal meel kale ka dheelo," Pogba ayaa yiri.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

"Saddex sanadood ayaan joogay Manchester United si wanaagsan ayaanan u dheelayay, waxaana isoo maray xilliyo wanaagsan iyo kuwa aan wanaagsanayba taasna dadka ayaan ula sinnaa, meelwalbana waa ay ka dhacdaa.

"Markii uu dhammaaday xilli ciyaareedkii hore iyo wax walba ee dhacay xagaagan aniga waxa ay ii aheyd midkii ugu wanaagsanaa. Waxaan filayaa inay ii wanaagsan tahay inaan meel kale ka dheelo."

Walow uu sidaas u hadlay ciyaaryahankan ay Manchester United ku soo iibsatay lacagtii ugu badneyd ayaa waxa ay kooxdu rumaysan tahay in Pogba uu weli ka sii dheeli doono garoonka Old Trafrord xilli ciyaareedka dambe.

Lahaanshaha sawirka Getty Images