Arsene Wenger: Tababarihii hore ee Arsenal oo shaqo sare laga siiyay FIFA

Arsene Wenger after his last match in charge of Arsenal in May 2018 Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Arsene Wenger saluted the Arsenal fans after his final game in charge, away at Huddersfiled on 14 May, 2018

Tababarihii hore ee Arsenal, Arsene Wenger ayaa dib ugu soo noqday ciyaaraha kubadda cagta. Wuxuu ogolaaday in uu noqdo madaxa FIFA ee horumarinta kubadda cagta caalamka.

Tallaabadaas waxay meesha ka saartay hadalladii la isla dhexmarayay ee ahaa in uu noqonayo tababaraha kooxda Bayern Munich.

Wenger wuxuu kooxda Gunners ka tagay bishii May, sannadkii 2018-kii. Wuxuu laylinayay 22 sano, wuxuuna ku guuleystay seddax koob oo horyaalka Premier League ah iyo toddobo koob oo FA ah.

"Si weyn ayaan u doonayaa in aan qabto shaqadan muhiimka ah ee aadka u adag," ayuu yiri.

Xilkan cusub ee Wenger uu ka qabanayo Xiriirka Kubadda Cagta Caalamka waa shaqo lagu horumarinayo ciyaaraha rag iyo dumar iyo sidoo kale arrimaha farsamada ciyaaraha.

Wuxuu hadda noqonayaa xubin ka tirsan Guddiga farsamada ee FIFA, waana guddoomiyaha kooxda baaritaanka arrimaha farsamada.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan