Tokyo 2020: Ciyaar yahanada Afrikaanka ah ee mudan in aad daawato

Sawirka ciyaaryahannada qaar

Ciyaaraha Olympic-ga wuxuu ahaa qorshaha in la qabto sannadkii 2020-kii, balse cudurka safmarka ee Coronavirus dartiis, ayaa dib loogu dhigay illaa iyo sannadkan 2021-ka.

Iyadoo ay Tokyo ciyaaraha Olympic-kada ka furmayaan July 23-keeda, 2021, waxeynu milicsaneynaa inta lagu guda jiro tartanka ciyaaryahanada African-ka ee ka qeyb galaya.

Ciyaaryahanada ayaa laga soo kala xuley qeybo kala duwan oo ciyaaraha ah, kuwaas oo qaarkood aan laga garaneyn Africa, qaarkoodna waa kuwo caan ka ah qaaradda.

Sidoo kale ciyaaryahanada qaarkood waxay u tahay markoodii ugu horreysay oo ay ka qeyb galayaan Olympic-kada.

Ciyaaraha Olympic-ga ee 2020: Ciyaar yahanada African-ka ee la dawanayo

  • Taoufik Makhloufi, 33

    Algeria Orod yahan

    Taoufik Makhloufi, waa orodyahan ku tartama fogaanta dhexe (800m iyo 1,500 metre)

    Markiisii uggu horeysay wuxuu ordey ciyaarihii Olympic-kada 2012-kii ee ka dhacey London, isagoo ku guuleystay biladda Dahabka ee tartanka 1,500m, halka uu ka helay labo bilad oo Qalin ah ciyaarihii Olympic-kada ee Rio 2016-kii.

  • Wali Bidani, 27

    Algeria Miisaan Culus qaadis

    Wali Bidani, waa nin qaada miisaanka culus, kaasoo markiisii uggu horeysay kaga qeyb galey ciyaaraha Olympic-sanadki 2012-kii magaalada London, isagoo kaga qeyb galey tartankii labaad ee ciyaarihii Okympic-kada magaalada Rio 2016-kii.

  • Azenaide Carlos, 31

    Angola Kubadda Gacanta

    Azenaide Carlos, waa ciyaar yahanad kubadda gacanta ah, waxey ka tirsan tahay kooxda haweenka kubadda gacanta ee qaranka Angola, kuwaasoo sidoo kale loo yaqaan The Pearls.

    Waxey kasoo hoysay ciyaaraha dibadda ee Olympic-kada saddex biladood illaa iyo 2008-dii.

  • Nijel Amos, 27

    Botswana Orod yahan

    Nijel Amos, waa orodyahan u dhashey dalka Bostwana, kaasoo ku guuleystay biladda Maarta, oo ah orodka ragga ee 800m, kaasoo ka dhacey magaalada London ciyaarihii Olympic-kada sanadkii 2012-kii

    Ciyaaraha ka socda Tokyo waxey noqoneysaa kii saddexaad, ee uu dibadda ugga qeyb galo.

  • Hugues Fabrice, 28

    Burkina Faso Ciyaar yahanka Bootida

    Hugues Fabrice, wuxuu u dhashey dalka Burkina Faso, isagoo ciyaara Bootinta, wuxuu ku guuleystay biladda Bronze, sanadkii 2019-kii ee ciyaaraha fudud ee dunida.

  • Francise Niyonsaba, 28

    Burundi Orodyahan

    Francise Niyonsaba, waa orodyahanad u dhalatey dalka Burundi, taasoo ku guuleysatey biladda Qalinka magaalada Rio ee sanadkii 2016-kii, iyo sanadkii 2017-kii Ciyaaraha Fudud ee dunida ee haweenka 800m.

  • Cheick Cisse, 27

    Cote D'Ivoire Taekwondo

    Cheick Cisse ayaa sameeyey taariikh, markii uggu horeysay abid oo uu ku guuleystay bilad Dahab ah ciyaaraha Olympic-kada, kuwaasoo ka dhacey magaalada Rio 2016-kii.

    Sidoo kale, wuxuu noqdey African-kii uggu horeeyey ee ku guuleysta biladda Dahabka ee Taekwondo .

  • Marie-Josee Ta Lou, 32

    Cote D'Ivoire Orodyahan

    Marie-Josee Ta Lou, ayaa orodyahanad, taasoo oroda 100m iyo 200m

    Waxey ku guuleysatey biladda Bronze, taasoo ah 100m ee orodka haweenka dunida 2019-kii ee tartanka ciyaaraha fudud, iyadoo gashey kaalinta afraad ciyaarihii Olympic-kada Rio 2016-kii, ee labadda qeyb sida 100m iyo 200m.

  • Haydy Morsy, 22

    Masar Ciyaarta Seefaha

    Haydy Morsy, is ciyaaryahan ku tartama ciyaarta Seefaha, isagoo sidoo kale si weyn uggu taqasusay ciyaaraha Dabaasha iyo Fardo Fuulka.

    Waa markii labaad ee ay kasoo dhex muuqato ciyaaraha Olympic-kada ee ka dhacaya Tokyo ee 2020-ka.

  • Azmy Mehelba, 30

    Masar Ciyaarta Toogashada

    Azmy Mehelba, waa ciyaaryahan ciyaarta Toogashada ah, kaasoo ka dhigeysa markii saddexaad ee uu ka qeyb galo tartanka ciyaaraha Olympic-kada ee ka dhacaya Tokyo ee 2020-ka.

    Wuxuu ku guuleystay biladda Dahabka, ciyaarihii bishii May, 2021-ka, kuwaasoo dhawaan lasoo gaba gabeeyey ee tartanka koobka toogashada.

  • Giana Farouk, 26

    Masar Karate

    Giana Farouk, waa ciyaar yahanad dhanka Karateka ah, taasoo ciyaarteedii uggu horeysay ee Olympic-kada kasoo muuqatey tartanka ciyaaraha magaalada Tokyo ee 2020-ka

    Waxey ku guuleysatey bilad Dahab ah sanadkii 2016-kii, laba bilad oo Bronze ah sanadkii 2018-kii, oo ay guulaysay koobka ciyaarta Karate-ga ee horyaallada sida ay u kala horeeyeen.

  • Merhawi Kudus, 27

    Eritrea Ciyaaraha Baaskiilka

    Merhawi Kudus, waa 27 sano u dhashey dalka Eritrea oo ah ciyaar yahan kaxeeya Baaskiilka, kaasoo galey kaalinta saddexaad tartanka kaxeynta Baaskiilka ee sanadkii 2019-kii ka dhacey dalka Turkey-ga.

    Wuxuu ku guuleystay horyaalka kaxeynta Baaskiilka ee shaqsiga ee ka dhacey sanadkan 2021-ka ee horyaalka Eritrea, halka kaalinta labaad uu ku jiro midka guud. Ciyaaraha Olympic-kada ee Tokyo 2020, waa kuwii uggu horeeyey oo caalami ah uu dibadda ugga qeyb galo.

  • Amanuel Gebreigzabhier

    Eritrea Ciyaaraha Baaskiilka

    Amanuel Gebreigzabhier, ayaa markii uggu ka qeyb galaya ciyaaraha Olympic-kada. Ciyaaryahankan kaxeeya Baaskiilka, ayaa kusoo baxey kaalinta koowaad horyaalka Africa ee waddooyinka waa weyn ee sanadkii 2018-kii.

  • Mosana Debessy, 27

    Eritrea Ciyaaraha Baaskiilka

    Mosana Debesay, waa ciyaar yahanad haween ah oo kaxeysa Baaskiilka, waxey ku guuleysatey horyaalka dhabooyinka waa weyn ee Africa, tartan kaasoo dhacey sanadkii 2018-kii. Tartankan waa midka shaqsiga.

    Ciyaar yahanadan Mosana, ee u dhalatey Eritrea, waxey la dhalatey ciyaar yahanadda kale ee Mekseb Debesay.

  • Letesenbet Gidey, 23

    Ethiopia Orodka dheer

    Letesenbet Gidey, waa ciyaar yahanad oroda orodka dheer, waxey heysataa rikoor caalami ah. Gidey ayaa heysata rikoorka haweenka ee 5,000m ee dunida, iyadoo dhawaanna jabisay rikoorka 10,000m.

    Waxey ku guuleysatey bilada Qalinka ee dumarka 10,000m ah sanadkii 2019-kii, kaasoo ah horyaalka ciyaaraha fudud ee dunida.

  • Selemon Barega, 21

    Ethiopia Orodka dheer

    Selemon Barega, waa Itoobiyaan orda masaafada dheer, kaasoo ku guuleystay bilad qalin ah oo 5,000m oo ragga ah, horyaalka ciyaaraha fudud ee 2019-ka.

    Wuxuu markii uggu horeysay ka qeyb galey Olympic-kada ee magaalada Tokyo ee 2020-ka.

  • Yomif Kejelcha, 23

    Ethiopia Orodka dheer

    Yomif Kejelcha, waa Orodyahan Itoobiyaan ah, kaasoo ka qeyb galaya markiisii uggu horeeyey tartanka ciyaaraha Olympic-kada ee magaalada Tokyo.

    Kejelcha, ayaa kal hore ku guuleystay biladda Dahabka ee orodka 10,000m horyaalka ciyaaraha fudud ee sanadkii 2019-kii.

  • Lelisa Desisa, 31

    Ethiopia Orodka dheer

    Lelisa Desisa, waa Itoobiyaan orodka dheera, wuxuu hantay bilad Dahab ah ee orodka dheer ee ragga, kaasoo qeyb ka ahaa horyaalka ciyaaraha fudud ee dunida ee sanadkii 2019-kii.

  • Shura Kitata, 25

    Ethiopia Orodka dheer

    Shura Kitata waa orod yahan Itoobiyaana, kaasoo orda orodka dheer

    Tartankii orodka dheer ee ka dhacey London 2020-kii, wuxuu ku guuleystay biladda Dahabka, isagoo ka adkaadey xidiga orodyahanka ee reer Kenya, Eliud Kipchoge, kaasoo uu u galey kaalinta labaad sanadkii 2018-kii.

  • Gudaf Tsegay, 24

    Ethiopia Orodka Masaafada Dhexe

    Godaf Tsegay waa orodyahanad reer Itoobiya ah, taasoo oroda masaafada dhexe, waxau jabisay 1,500m ee rikoorka dunida ee dumarka, kaasoo ka dhacey Lievin, France, bishii February, ee sanadkan 2021-ka.

    Waxey ku guuleysatey bilada bronze ee horyaalka dunida ee sanadkii 2019-kii.

  • Gina Bass, 26

    Gambia Orodyahan

    Gina Bass waa orod yahanad u dhalatey dalka Gambia. Waxey ku guuleysatey bilad Dahab ah, taasoo ay ku muteysatey tartankii dumarka ee 200m, oo ka dhacey magaalada Rabat ee ciyaaraha Africa sanadkii 2019-kii.

    Waa markii labaad oo ay ka qeyb gasho ciiyaaraha Olympic-kada ee haatan ka socda Tokyo.

  • Julius Yego, 32

    Kenya Tartanka Tuuryada

    Julius Yego, waa nin reer Kenya ah, wuxuu tuuraa waramada, kaasoo ka helay bilada Qalinka ciyaarihii Olympic-kada magaalada Rio ee sanadkii 2016-kii.

    Sidoo kale, wuxuu leeyahay naanees layiraahdo YouTube, maxaa yeelay xirfaddan uu maanta leeyahay wuxuu kasoo dheehday video-yada ku jira YouTube-ka.

  • Brigid Kosgei, 27

    Kenya Orodka Dheer

    Brigid Kosgei, waa orodyahanad reer Kenya ah, taasoo ku guuleysatey 2018-kii iyo 2019-kii orodka dheer ee Chicago, halka 2019 iyo 2020 ay ku guuleysatey orodka dheer ee London.

    Kosgei, waa haweeney heysata rikoorka dunida, iyagoo ku sameysay 2:14:04 orodkii dheeraa ee Chicago sanadkii 2019-ka. Waa markii uggu horeysay oo ay kaqeyb gasho ciyaaraha Olympic-kada, kuwaasoo haatan ka socda magaalada Tokyo.

  • Eliud Kipchoge, 36

    Kenya Orodka Dheer

    Eliud Kipchoge, waa orodyahan caalami ah, kaasoo orda orodka dheer.

    Xidiga orodka dheer ee reer Kenya, waa orodyahan heysta rikoor ah 2:01:39, taasoo uu dhigay 16-kii September, 2018, wuxuu ka qabsoomay orodkani Berlin. Sidoo kale, wuxuu ku guuleysay bilada Dahab, oo uu ka helay magaalada Rio sanadkii 2016-kii ee ciyaaraha Olympic-kada.

    https://c.files.bbci.co.uk/97B4/production/_119363883_03_eliud.jpg

  • Beatrice Chepkoech, 29

    Kenya Orodka iyo Bootin

    Beatrice Chepkoech waa qofka heysta rikoorka dunida ee Orodka iyo bootinta wada socda.

    Ninkan reer Kenya ah, sidoo kalana ah orodyahanka orodka dheer, ayaa heysta biladda Dahabka masaafo gaareysa 3,000m, taasoo uu ka helay horyaalka dunida ee sanadkii 2019-kii ee Orodka iyo Bootinta oo isku lammaanan.

  • Faith Kipyegon, 27

    Kenya Orodka dheer

    Faith Kipyegon, waa Kenyan orda orodka dheer, kaasoo ku guuleystay bilad Dahaba, magaalada Rio sanadkiii 2016-kii ciyaaraha Olympic-ka 1,500m.

    Wuxuu helay bilad Qalina sanadkii 2017-kii horyaalka dunida, sidoo kale wuxuu ku guuleystay bilad Qalina sanadkii 2019-kii horyaalka dunida ee ciyaaraha fudud.

  • Khadija Mardi, 30

    Morocco Feerka

    Khadija Mardi, waa feer yahanad Moroccan ah. Waxey ka qeyb qaadatey ciyaarihii magaalada Rio ee Olympic-ka, ha yeeshee waxey ku guul dareysatey feerka miisaanka dhexe ee dumarka (69-75kg) laba ciyaarood oo afar dhamaaka.

    Sidoo kale, waxey ku guuleysatey biladda bronze-ga sanadkii 2019-ka horyaalka dunida ee feerka dumarka.

  • Rababe Arafi, 30

    Morocco Orodyahan

    Rababe Arafi waa orod yahan Moroccan ah, taasoo ku guuleysatey bilad Dahab ah oo dhanka dumarka ah, masaafo dhan 1,500m 2019-kii ciyaaraha fudud.

    Tokyo ee 2020-ka, waa ciyaaraha caalamiga ee labaad ee ay ka qeyb gasho.

  • Ramzi Boukhiam, 27

    Morocco Ciyaaraha Bootinta doonta

    Ramzi Boukhiam, waa doon ku boode caalami ah

    Waa markiisii uggu horeysay oo uu ka qeyb galo ciyaaraha Olympic-kada, isagoo matalaya Morocco, tartan mid lamid ah kiisii koowaad, kaasoo ah tartanka doon ku boodista.

  • Soufiane El Bakkali, 27

    Morocco Orodka iyo Bootinta

    Soufiane El Bakkali, waa Moroccan ku guuleystay bilad Dahab ah, taasoo ah orodka iyo bootinta isku lamaanan, oo 3,000m ah, sanadkii 2017-kii horyaalka ciyaaraha fudud ee dunida.

    Magaalada Rio sanadkii 2016-kii ee ciyaaraha Olympic-kada, waxey aheyd markii uggu horeysay oo uu ka qeyb galo.

  • Maria Machava,

    Mozambique Tartanka Bad ku safridda

    Maria Machav, wuxuu u dhashey dalka Mozambique, wuxuu sameeyaa tartanka safarada badda, kaasoo qeyb ka ah ciyaaraha Olympic-kada ee magaalada Tokyo 2020, oo ah markiisii uggu horeeyey oo uu ka qeyb galo.

  • Deisy Nhaquile

    Mozambique Tartanka Bad ku safridda

    Deisy Nhaquile, waa reer Mozambique tartan ku gala bad ku safridda, kaasoo ku matalaya dalkiisa ciyaaraha Olympic-ga makii uggu horeysay, kuwaasoo ka dhacaya magaalada Tokyo.

    Waxey ku guuleysatey horyaalka tartanka bad ku safridda ee African sanadkii 2019-kii, kuwaasoo loo yaqaan 420 Radial Laser.

  • Denise Parruque

    Mozambique Tartanka Bad ku safridda

    Denise Parruque, waa reer Mozambique tartan ku gasha bad ku safridda, taasoo ku matalaysa dalkeedsa ciyaaraha Olympic-ga makii uggu horeysay, kuwaasoo ka dhacaya magaalada Tokyo.

    Iyada iyo saaxiibadeeda kale, waxey ku guuleysteen koobka tartanka Africa class 470 class.

  • Maike Diekmann, 27

    Namibia Tartanka doonta biyaha

    Maike Diekmann, waa ciyaaryahan ka qeyb qaata tartanka doonta biyaha, kaasoo ku matali doona Namibia markii uggu horeysay tartanka ciyaaraha Olympic-kada.

  • Beatrice Masilingi, 18

    Namibia Orodyahan

    Beatrice Masilingi, waa ciyaaryahanad u dhalatey dalka Namibia, waxey orodaa masaafada 400m, waa qofka saddexaad ee uggu orodka badan taariikhda dunida, marka la eego dadka ka yar dada labaatanka sano.

    Si kastaba ha ahaatee, looma oggolaan iney ka qeyb qaadato ciyaaraha socda haatan ee Olympic-kada, maadaama uu aad u sareeyo heerka hormonada jirkeeda, laakiin waxaa loo oggol yahay iney ka qeyb noqoto tartanka 200m.

  • Christine Mboma, 18

    Namibia Orodyahan

    Christine Mboma, waa orodyahanad u dhalatey Namibia, waxey jabisay rikoorkii dunida ee 400m, dadka dadoodu ay ka hooseyso labaatan jirka sanadkan 2021-ka.

    Si kastaba ha ahaatee, looma oggolaan iney ka qeyb qaadato ciyaaraha socda haatan ee Olympic-kada, maadaama uu aad u sareeyo heerka hormonada jirkeeda, laakiin waxaa loo oggol yahay iney ka qeyb noqoto tartanka 200m.

  • Aminatou Seyni, 24

    Niger Orodyahan

    Aminatou Seyni, waa ciyaaryahan sameeya Orodka xawaarihiisu sarreeyo ee garoomada, kaasoo ka qeyb qaatey 2019-kii horyaalka dunida e orodka xawaarihiisu sarreeyo.

  • Blessing Okagbare, 33

    Nigeria Bootinta dheer/Orodyahan

    Blessing Okagbare, waa Orodyahanad sidoo kale ciyaarra Bootinta Dheer.

    Waxey heysataa haatan rikoorka 100m, iyadoo ku oradey 10.75 ilbiriqsi, laakiin waxey taasi ku jabisay ciyaarihii hordhaca ee kuwa Olympic-kada ee haatan socda 10:63 bishii June ee ina dhaaftey ee sanadkan 2021-ka.

    Markani waxey u dhigtay rikoor cusub Africa iyo Nigeria-yaba, iyadoo ay haatan aad isugu dhaw yihiin ciyaar yahanada dunida ku hoggaamineysa rikoorka ee reer Jamaica, Shelly-Ann Fraser-Pryce sanadkan 2021-ka.

  • Elizabeth Anyanacho, 22

    Nigeria Haraantida

    Elizabeth Anyanacho, waa haweeneydii labaad oo reer Nigeria ah, ee abid usoo baxda ciyaaraha Olympic-kada, taasoo ay tahay dadeedu lix iyo toban sano jir, waxeyna ku mataleysaa dalkani ciyaaraha is haraantiyeynta.

  • Divine Oduduru, 24

    Nigeria Orodyahan

    Divine Oduduru, ayaa safarkiisii uggu horeeyey ee ciyaaraha Olympic-kada wuxuu kaga qeyb galey magaalada Rio 2016-kii.

    Orodyahankan waa Nigeria kaliya, kaasoo gaarey ciyaaraha gabagabada, ee qeybta orodka deg dega.

  • Tobi Amusan, 24

    Nigeria Orodyahan

    Tobi Amusan, waa ciyaaryahanad oroda, taasoo ku guuleysatey biladda Dahabka ee orodka haweenka 100m, ee ciyaarihii Commonwealth, kuwaasoo ka dhacey Australia 2018-kii.

    Markii uggu horeysay waxey ka qeyb gashey ciyaarihii Olympic-kada ee magaalada Rio, taasoo gaartey ciyaaraha kuwoodii u danbeeyey, iyadoo markii danbe gashey kaalinta saddexaad, waxeyna dhigtey rikoor ah 12.91 ilbiriqsi.

  • Ese Brume, 25

    Nigeria Orodyahan

    Ese Brume, waxey kamid tahay saddex dumar oo African ah, kuwaasoo bootindooda ay dhaaf siisan tahay in ka badan 7 metre.

    Ciyaaryahanadan markeedii uggu horeysay waxey kasoo muuqatey ciyaarihii Olympic-ka magaalada Rio sanadkii 2016-kii, taasoo kusoo dhamaaey iney gasho kaalinta shanaad.

    Waxey heshay biladda bronze sanadkii 2019-kii, ee horyaalka ciyaaraha fudud ee dunida.

  • Chukwuebuka Enekwechi, 28

    Nigeria Tuuryada

    Chukwuebuka Enekwechi, waa ciyaar yahan reer Nigeria ah, kaasoo ku toogta tuuryo batilmaameedyada, wuxuu ku guuleystay bilad Qalin ah tartankii ciyaaraha ee Commonwealth-ga ee sanadkii 2018-kii.

    Sidoo kale, wuxuu ka galey kaalinta sideedaad horyaalkii ciyaaraha dunida ee kuwa fudud, taasoo ka dhigeysa ciyaaryahanka kaliya ee u dhashey reer Nigeria, oo gaarey ciyaartii kama danbeysta aheyd.

  • Usheoritse Itsekiri, 23

    Nigeria Orodyahan

    Usheoritse Itsekiri, waa orod yahan u dhashey Nigeria, wuxuu heystaa biladda bronze, isagoo uu ku guuleystay biladdan caalamiga ee orodka 100m ee ragga, markii uggu horeysay tartanka ciyaarihii African-ka ee ka dhacey magaalada Rabat, isagoo ordey 10.02 ilbiriqsi.

  • Esther Toko, 21

    Nigeria Tartanka doonta biyaha

    Esther Toko, wuxuu u dhashey Nigeria, isagoo ciyaara tartanka doonta biyaha, wuxuu ku guuleystay biladaha bronze iyo qalin, tartanka ciyaarihii African-ka ee xeebaha, kaasoo ka dhacey dalka Cape Verde sanadkii 2019-kii.

    Tartanka ciyaaraha ee haatan ka socda magaalada Tokyo ee 2020-ka la yiraahdo, ayaa wuxuu noqonayaa kiisii uggu horeeyey ee Olympic ah ee uu ka qeyb galo, isagoo ah ciyaaryahan saldhigiisu yahay dalkiisa Nigeria.

  • Ayomide Emmanuel Bello, 19

    Nigeria Tartanka doonta biyaha

    Ayomide Emmanuel Bello, waa ciyaar yahan reer Nigeria ah, kaasoo ay noqoneyso markiisii uggu horeysay ee uu ka qeyb galo ciyaaraha Olympic-kada, gaar ahaan kuwa tartank doonta biyaha ee uu kusoo baxey.

    Bello, wuxuu kal hore kusoo guuleystay biladda Dahabka magaalada Rabat, ee tartanka ciyaaraha Africa 1,200m, 1,500m, 2,200m iyo 2,500m.

  • Ayomide Emmanuel Bello, 19

    Seychelles Tartanka doonta ee badda

    Rodney Govinden, ayaa ku matali doonta dalka Seychelles tartanka ciyaaraha Olympic-kada ee haatan ka socda magaalada Tokyo.

    Waxey u tahay ciyaarihii labaad ee Olympic-kada, ka gadaal markii ay ka qeyb gashey ciyaarihii ka dhacey magaalada Rio sanadkii 2016-kii. Wuxuu ku guuleystay snadkii 2019-kii abaal marinta ciyaaraha sanadka ee dalkani.

  • Wayde Van Nierkerk, 29

    Koonfur Africa Orodyahan

    Wayde Van Nierkerk, waa ciyaar u dhashey dalka Koonfur Africa, kaasoo ciyaara orodka degdega, wuxuu ku guuleystay biladda Dahabka ciyaarihii Olympic-kada ee ka dhacey magaalada Rio, isagoo ku tartamey 400m.

    Wuxuu u dhigey dunida rikoor cusub, isagoo ku sameeyey 43.03 ilbiriqsi, wuxuu garaacey ciyaaryahankii hore ee dhigay rikoorka, ee u dhashey dalka Mareykanka, Michael Johnson.

  • Chad Le Clos, 29

    Koonfur Africa Dabaasha

    Chad le Clos, waa ciyaar yahan u dhashey Koonfur Africa, wuxuu sameeya Dabaasha, isagoo ku guuleystay biladdo dhawr ah, oo ay kamid tahay mid dahab ah, ciyaarihii Olympic-kada ee ka dhacey magaalada London sanadkii 2012-kii, iyo sidoo kale laba qalin ah magaalada Rio ee sanadkii 2016-kii ciyaarihii Olympic-kada.

  • Akani Simbine, 27

    Koonfur Africa Orodyahan

    Akani Simbine, waa ciyaar yahan u dhashey dalka Koonfur Africa, wuxuu ordaa orodka deg dega, isaoo ku guuleystay bilad Dahab ah, ee orodka masaafada 100m sanadkii 2018-ka tartanka ciyaarihii commonwealth.

    Wuxuu galey kaalinta afraad sanadkii 2019-kii tartanka horyaalka dunida.

  • Caitlin Rooskrantz, 19

    Koonfur Africa Iskala Rogidda

    Caitlin Rooskrantz, waa markii uggu horeysay oo ay ka qeyb gasho ciyaaraha Olympic-kada haatan ka socda magaalada Tokyo ee 2020-ka.

    Ciyaaryahanadan u dhaley dalka Koonfur Africa, ayaa ku guuleysatey tartanka ciyaaraha Iskala Rogidda horyaalkii ka dhacey dala Hungary sanadkii 2019-kii ee koobkii dunida.

    Tani waxey u noqoneysaa ciyaarihii uggu horeeyey ee Olympic-kada ee ay ka qeyb gasho, kuwaasoo haatan ka socda magaalada Tokyo ee la yiraahdo Olympic 2020-ka.

  • Erin Sterkenburg, 18

    Koonfur Africa Ciyaaraha Korista

    Erin Sterkenburg, waa ciyaar yahanad u dhalatey dalka Koonfur Africa, taasoo fuusha buuraha, waxeyna noqotey ciyaaryahanadda kaliya ee Africa ugga qeyb galeysa nooca tartanka fuulista, taasoo kamid ah shan nooc ciyaareed oo haatan lagu soo kordhiyey ciyaaraha Olympic-kada, oo ah kuwa haatan ka socda magaalada Tokyo ee 2020-ka.

    Waxey ku guuleystay horyaalkii ciyaaraha meelaha la korayo ee Africa ee sanadkii hore 2020-ka.

  • Henri Schoeman, 29

    Koonfur Africa Dabaasha Badda

    Henri Schoeman, waa ciyaar yahan reer Koonfur Africa ah, wuxuu ciyaaraha Dabaasha Badda, isagoo ku guuleysaty bilad dahab ah, intii lagu guda jirey tartanka dabaasha badda ee ragga tartanka ciyaarihii commonwealth ee sanadkii 2018-kii, ee xeebta Gold Coast.

    Sidoo kale, wuxuu ku guuleystay biladda bronze ee tartanka dabaasha ee ragga, kaasoo ka dhacey magaalada Rio sanadkii 2016-kii ciyaarihii Olympic-kada.

  • Boipelo Awuah, 15

    Koonfur Africa Bootinta

    Boipelo Awuah, waa ciyaaryahanaddii uggu horeeyey ee bootinta, taasoo ka socota dalka Koonfur Africa, oo ka qeyb galaysa ciyaaraha Olympic-kada, sidoo kale waxey tahay ciyaar yahanadda uggu dada yar ee ka socota qaaradda Africa, oo ka qeyb galeysa tartamada ciyaaraha Olympic-kada ee magaalada Tokyo, ee 2020-ka.

  • Blitzboks

    Koonfur Africa Kubadda Orodka

    Kooxda dalka Koonfurta Africa ee Kubadda Orodka, oo sidoo kale loo yaqaan Blitzboks, ayaa ku guuleysatey biladda bronze magaalada Rio, sanadkii 2016-kii ee ciyaarihii Olympic-kada ee xiligaasi dhacey.

    Waxey galeen kaalinta labada ee tartanka horyaalka koobka adduunka ee Kubadda Orodka ee dhacey sanadkii 1997-dii.

  • Oussama Mellouli, 37

    Tunisia Dabaasha

    Oussama Mellouli, waa ciyaayahan u dhashey dalka Tunisia, wuxuu dabaashaa masaafada dheer, isagoo ku guuleystey biladda dahabka ee 1500m ee ragga, halka tartankanna uu ka dhacey magaalada Beijing sanadkii 2008-dii ciyaarihii Olympic-kada. Sidoo kale, wuxuu ku guuleystay dabaasha masaafada dheer ee 10km magaalada London sanadkii 2012-kii ee tartanka ciyaaraha Olympic-kada.

  • Marwa Amri, 32

    Tunisia Lagdinta

    Marwa Amri, waa ciyaar yahanad reer Tunisia ah, waxey ciyaartaa ciyaarta Lagdinta, iyadoo ku guuleysatey biladda bronze ee tartanka haweenka, waxey noqotey haweeney African ah tii uggu horeysay oo ku guuleysata biladda lagdinta ee ciyaaraha Olympic-kada.

  • Ines Boubakri, 32

    Tunisia Ciyaarta Seefta

    Ines Boubakri, waa ciyaar yahanad u dhalatey dalka Tunisia, taasoo ku guuleysatey biladda bronze ee haweenka, tartankaasoo ka dhacey magaalada Rio, ee ciyaarihii Olympic-kada ee sanadkii 2016-kii.

  • Jacob Kiplimo, 20

    Uganda Orodyahan

    Jacob Kiplimo, waa ciyaar yahan reer Uganda ah, kaasoo orda oradada masaafada dhaadheer, ee gaaraya 3,000m. Wuxuu ka qeyb galey tartanka ragga ee 2020-ka ee Golden Gala.

    Ciyaaraha Olympic-kada ee haatan ka socda magaalada Tokyo ee 2020ka, waxey noqonayaan markiisii labaad ee uu ka qeyb galo ciyaaraha Olympic-kada, marka lagu daro kuwii ka dhacey magaalada Rio, ee sanadkii 2016-kii.

  • Ronald Musagala, 28

    Uganda Orodyahan

    Ronald Musagala, waa orod yahan u dhashey dalka Uganda, kaasoo markiisii uggu horeysay ee uu ka qeyb galo ciyaaraha Olympic-kada ay aheyd kuwii ka dhacey magaalada Rio, ee sanadkii 2016-kii, qeybta masaafada dhaadheer ee gaareysa 1,500m.

    Wuxuu ku guuleystay bilada dahabka sanadkii 2019-kii tartamadii ka kala dhacey ee ciyaaraha ee Paris iyo London.

  • Joshua Cheptegei, 25

    Uganda Orodyahan

    Joshua Cheptegei, waa orodyahan orda masaafada dheer, kaasoo xaqiijiyey helitaanka biladda dahabka ee tartanka 10,000m ee ragga ee sanadkii 2019-kii, horyaalka ciyaaraha fudud, isagoo dhigay rikoor cusub intii lagu guda jirey 5,000m ee ciyaarihii Monaco sanadkii hore ee 2020-ka.

  • Peruth Chemutai, 22

    Uganda Bootinta Orodka

    Peruth Chemutai, waa orodyahanad u dhalatey dalka Uganda. Waxey ka qeyb gashey ciyaaraha Olympic-kada ee ka dhacey magaalada Rio sanadkii 2016-kii, tartankii haweenka ee orodka iyo bootinta masaafada 3,000m.

    Sidoo kale, waxey gashey kaalinta shanaad ee tartanka bootinta iyo orodka ee haweenka masaafo gaareysa 3,000m horyaalkii ciyaarihi fududaa ee dunida 2019-kii.

  • Copper

    Zambia Kubadda Cagta

    Kooxda qaranka ee kubadda cagta ee Zambia, oo sidoo kale loo yaqaano kooxda Copper Queens ama She-Polopolo, ayay ka qeyb galayaan markoodii uggu horeysay ciyaaraha Olympic-kada ee ka dhacaya magaalada Tokyo ee 2020-ka.

  • Scott Vincent, 29

    Zimbabwe Kubadda Yar

    Scott Vincent, ayey u tahay markiisii uggu horreeyey ee uu ka qeyb galo ciyaaraha Olympic-kada tartanka sanadkan. Sanadkii 2019-kii, ciyaaryahanka ciyaaraha Kubadda yar ee la tuuro, ayaa galey kaalinta afraad tartanka horyaalka Kubadda yar ee la tuuro, kaasoo ka dhacey dalka Japan.

  • Tigers

    Nigeria Kubadda Koleyga

    Kooxda ragga ee Kubadda Koleyga Nigeria, oo sidoo kale loo yaqaan D'Tigers, ayaa xaqiijiyey iney noqdaan kooxda kaliya ee ka socota Africa ee ka qeyb galeysa ciyaaraha Olympic-kada qeybta Kubadda Koleyga, kaasoo ka dhacaya magaalada Tokyo, iyagoo sidoo kale ka qeyb galey koobkii adduunka ee Kubadda Koleyga ee dhacey sanadkii 2019-kii.

    Kooxda ragga ee Kubadda Koleyga Nigeria, oo sidoo kale loo yaqaan D'Tigers, ayaa xaqiijiyey iney noqdaan kooxda kaliya ee ka socota Africa ee ka qeyb galeysa ciyaaraha Olympic-kada qeybta Kubadda Koleyga, kaasoo ka dhacaya magaalada Tokyo, iyagoo sidoo kale ka qeyb galey koobkii adduunka ee Kubadda Koleyga ee dhacey sanadkii 2019-kii.

    Kooxda horyaalka Africa, ayaa sidoo kale garaacdey kooxaha ka socda dalalka Australia iyo Mareykanka bishan aynu ku jiro ee July ee sanadkan 2021-ka, ciyaaro saaxiibtinimo oo ahaa hordhac, kuwaasoo qabsoomey in yar kahor intaaney furmin ciyaaraha Olympic-kada ee haatan ka socda magaalada Tokyo.

  • The Pearls

    Angola Kubadda Laliska

    Kooxda qaranka haweenka ee Kubadda Laliska ee dalka Angola, oo sidoo kale loo yaqaano The Pearls, ayaa ah sanadkan 2021-ka horyaalka Kubadda Laliska ee haweenka qaaradda Africa.

    Waxey ka galeen kaalinta sideedaad ciyaarihii Olympic-kada ee ka dhacey magaalada Rio sanadkii 2016-kii, iyagoo lagu reebay ciyaarihii sideed dhamaadka.

HABRAACA:

Ciyaaryahanadan African-ka ah, waxey kala matalayaan qeybo kala duwan oo katirsan qaaradda. Waxaa lagu soo kala xuley iyadoo loo eegayo waaya aragnimada ay u leeyihiin ciyaaraha Olympic-kada, tirooyinka biladaha ay hanteen, iyo xirfadaha ciyaaraha ee gaarka u leeyihiin.

MAHADNAQ:

Hannaanka soo saarista iyo tifaftirka oo ay ka qeyb qaateen Nkechi Ogbonna, Princess Abumere iyo Muthoni Muchiri. Dhanka naqshadda Olaniyi Adebimpe iyo Millicent Wachira. Dhismaha bogga: Purity Birir. Taageerada dheeraadka by: Sally Morales iyo Celestine Karoney.

SAWIRADA:

Getty Images, The International Basketball Federation, AFP, Nigerian News, Nigerian Rowing Canoeing and Sailing Federation, Nigerianews, Mekseb Debesay, Sailing Club of Mozambique, Giana Farouk, EPA, Press Focus/News Pix via PA, Erwythereyet via Twitter, Bruce Viaene via Olympics, ClimbZA, DW via Club of Mozambique.