Inter oo qaaday horyaalka Europe

Sadaasho waxay lahayd Inter ayaa qaadidoonta koobka Champions League. Sidaas ayeyna noqotay.

Waxaana Inter labo iyo eber ey kaga badisay Bayern Munich, oo la dhihi karo ciyaar loogama badinin ee waxaa helay, wiil xariif ah oo la yiraahdo Diego Milito, oo labada gool shaabadiisa saaray.

Waxaana Inter kaddib 45 sanadood marki saddexaad taarikhdeeda ey kor u qaaday koobka dhagaha weyn ee Champions League. Waana koobkii saddexaad oo bishan gudaheeda ey xareysaneyso.

Labada koob ee kale waxa ey kala yihiin Coppa Italia iyo koobka horyalnimada serie A.

Waana kooxdi u horreeysay taariikhda kooxaha Talyaaniga oo xilli kaliya saddex koob ku guleysata.

Ciyaartuna waxay ka dhacday istaadiyaha Madriid Santiago Bernabeu, halkaasi oo ey buuxdhaafiyeen taagerayaal ka kala socday Inter iyo Bayern Munich.

Ciyaarta billowgeedi waxaa is xariifisay Inter, haseyeeshe Bayern dheg uma dhigin is-waalwaalka Inter oo waxa ey xooga saartay sidii ey ciyaarteeda u dhissi laheed.

Waxayna la wareegtay khadka dhexe. Laakin dhaqdhaqaaqeeda wuxuu ahaa qunyarsocod oo sidii la rabay uma fududeyn oo waxaa badnaa balooni isu dhiibdhiibkeeda.

Interna marki ey aragtay in dhexdii la qabsaday waxay ciyarteedi ka dhigtay ku dhufo ee ka noqo iyado isku halleeyneysa fagaxda saddexda weeraryahan Samuel Eto’o, Diego Milito iyo Goran Pandev.

Waxaana ey u adkeysay difaaceeda, iyado si aad ah uga baqeysay Arjen Robben laacibta ugu khatarsan Bayern.

Waxaa loo xilsaaray inay ilaaliyaan dhaqdhaqaaqiisa Walter Samuel iyo Cristian Chivu. Haduu soo dhaafona labadaasi waxaa u sugaayey Lucio.

Weeraradeeda waxay ahaayeen kuwa rogaal celin ah oo halis badan. Waxaana Bayern ey ku shiishtay xabbado kaliyaale ah.

Diego Milito, ayaa daqiiqaadi 35aad qeybta hore ee ciyaarta, waxa uu Bayern kaga naxsaday gool. Qeybtahore waxaa lagu kala nastay hal iyo eberkaas.

Marki nasashada laga soo laabtay Bayern waxay qaaday weeraro argagax galiyey Inter. Laakin kooxda macalin Mourihno waxay sii adkeysay difaaceeda, iyado marki la weeraraba ey difaac galineysay xataa weeraryahaneeda. Bayern wax ey weerartaba, ayada gool labaad loogu shubay, waxaana labeeyey Milito, oo noqday boqorka Madrid.

Ciyaartuna waxay ku dhammaatay labo iyo eber, iyo Inter oo istaadiyaha Santiago Bernabeu ku soo wareejisay koobkeedi ugu qiimaha weynaa, oo ey sugeysay muddo 45 sanadood.

Inter finaalka Champions League waxay iskeentay kaddib markii ey cagta marisay kooxihi ugu waaweyna qaaradda Yurub.

Waxay tuntay kooxda Chelsea oo ah horyaalka Premiere League England, waxaa kalo ey afka ciida u dartay Barcelona oo ah horyaalka la Liga Spain. Xalayna waxay la dagtay oo laba cad ka dhigtay Bayern Munich oo sidata horyaalnimada Jarmalka.