Interpol oo qabatay dad ku sharatamay koobka adduunka

Interpol
Image caption Hay'adda caalamiga ah ee booliska,Interpol

Hay'adda caalamiga ah ee Booliiska, Interpol, ayaa sheegtay in ilaa shan kun oo qof lagu xiray afar dal oo qaaradda Asia ah oo loo haysto dacwo la xiriira khamaar sharcidarro ah oo lagu sharatamay tartamada kubadda cagta adduunka.

Sarkaal u hadlay Interpol, Jean-Michel Louboutin, ayaa sheegay in ku dhawaad sideed boqol oo xarumood oo kuwa lagu khamaara ah la weerary howlgal muddo bil ah ka socday dalka Shiinaha magaalooyinka Hong Kong iyo Macau,iyo dalalka Thialand, Malaysia iyo Singapore.

Sarkaalka ayaa sheegay in dhowr million oo doolar oo lacag ah la qabtay iyo sidoo kale baabuur, computero iyo qalab kale.

Interpol, ayaa natiijadii hawlgalka ku tilmaantay mid aad u wanaagsan, iyadoo intaas ku dartay in khamaarka sharcidarada ah ee kubadda cagta lala xiriirinayo wax is-daba marin lacageed iyo dumarka ka ganacsada jirkooda.