BBC kala soco cayaaraha Premiership

Everton, Yakubu
Image caption Everton, Yakubu

Laga billaabo Sabtida hadda soo socota ee taariikhdu ay tahay 14 August isbeddel ayaa ku dhici doona idaacadda 5-ta Galabnimo.

Isbeddelka soo socda ee aan sheegi doono wuxuu u gaar yahay maalmaha Sabtida oo keliya.

Idaacadda shanta Galabnimo hadda hawada soo gasha waxay soo hor mari doontaa saacad oo waxaan hawada soo geli doonnaa Afarta Galabnimo.

Idaacaddu waxay markaa socon doontaa saddex saacadood oo xiriir ah.

saacadda hore waxay u badnaan doontaa hadba wixii war ah ee maalintaa jira. Labada saacadood ee kale waxay si toos ah u soo gudbin doonaan cayaar ka mid ah tartanka kubadda cagta ee Premiership.

Sabtidan cayaarta ugu horreysa ee aan soo gudbin doonno waxay noqoneysaa cayaarta dhex mari doonta labada naadi ee Aston Villa iyo West Ham.

Waxaan rajeynayaa in taageerayaasha cayaaruhu ay ka haqab beeli doonaan wararka la xiriira Tartanka Kubadda Cagta Ingiriiska. waxaa intaa dheer in ay uga qeyb qaadan karaan barta Facebook ee BBCSomaliga.

Dhegeystayaasha Djibouti, Borame, Hargeysa, Burco, Boosaaso, Gaalkacyo, Wajeer, Garisa, Dhadhaab iyo Nairobi waxay nagu dhegeysan karaan mawjadda FM. Dhegeyatayaasha Muqdisho iyagana ma illoobi doonno.