Arsenal 6-0 Blackpool

Arsenal
Image caption Arsenal

Arsenal 6-0 Blackpool. Daqiiqadii 12-aad ayaa goolka koowaad waxaa dhaliyay Walcot. Goolka labaad wuxuu ahaa rigoore uu dhaliyay Arshavin. Goolka sadexaadna waxaa mar kale dhaliyay Walcot.Abu Diaby ayaa kii 4-aad dhaliyay. 5-na Walcot. Shammakh ayaa 6 ka dhigay.

Maalin kasta oo Sabti ah, BBC waxay si toos ah idiinku soo gudbinaysaa mid ka mid ah ciyaaraha England Premier League ee maalintaas dhacaya 5-ta galabnimo ee saacadda Africada bari.

Sabtidan mar kale ayaan idiin soo tabin doonnaa ciyaar ka mid ah tartankan.

Waa ciyaarta dhexmari doonta kooxaha Arsenal iyo Blackpool.

Inkastoo Arsenal ay ka mid tahay kooxaha ugu waawayn Ingiriiska, hadana Blackpool oo sanadkan ku soo biirtay tartanka lama dhayalsan karo.

Labadan koox ayaa Arsenal ciyaartii ay ku daahfurtay tartanka waxay barbaro 1-1 ah la gashay kooxda Liverpool. Balse, Blackpool-se ciyaarteedii ugu horaysay tartankan oo ay ku cusub tahay 4-0 ayay kaga soo badisay kooxda Wigan.

Arsenal ilaa shan ciyaartoyd oo ka mid ah ciyaaryahana ugu cad cad ayaa ka dhaawac, iyadoo afar kalena shaki uu ka jiro in ay ciyaari karaan.

Image caption Kooxda blackpool

Blackpool-na 4 ciyaaryahan ayaa ka dhaawacan.

Hadaba, waxaad naga fishaanba waa tabin, faallooyin, faaqidaad iyo waraysiyo ka hor, inta lagu jiro iyo kadib ciyaarta, kuwaas oo ku salaysan daraasad iyo aqoon durugsan oo dhinaca ciyaaraha.

Idaacaddu waxay soo galaysaa 4-ta galabnimo maalin kasta oo Sabti, saacadda Africa Bari. iyadoo ciyaartuna ay si rasmi ah u bilaabanayso shanta galabnimo ee saacadda Africada bari.

Dhegeystayaasha BBC ee Muqdisho waxay nagala socon karaan Mowjadda STAR FM ee 101.5 iyo Mowjadda Shabeelle 97.0 FM. Waa good news. Waana in Presenterku sheego marka warku dhammaado.