Liverpool v Sunderland

Liverpool waxay la ciyaaraysaa Sunderland.

Ciyaartan ayaa bilaabanaysa iyadoo labada koox oo min shan kulan ciyaaray ay Liverpool kaga jirto liiska kooxda 16-aad, halka Sunderland-na ay tahay kooxda 11-aad.

Tababaraha Liverpool Roy Hodgson waxaa la filayaa in uu nasiyo ciyaartoydiisa sare kadib guuldaradii naxdinta lahayd ee koobka carling cup ay kaga adkaatay kooxda Northampton.

Xiddiga Dutch,Dirk Kuyt waxaa dhici karta in uu ka soo hormaro xilligii la filayay in uu ka soo bogsado dhaawac garabka ah. waxaa dhaawac ah Aurelio.

Sunderland waxaa ka maqan Anton Ferdinan iyo Kieran Richardson.

Asamoah Gyan, oo ah ciyaaryahan reer Ghana ah ayaa dhaawac muruqa ka qaba, shaki ayaa ku jiri in uu ciyaari karo. waxaa si toos u dhaawacan Campbell iyo Meyler, Gordon, Ferdinand iyo Richardson, Mensah iyo Turner.