Cayaaraha kale ee England Premiership

Tottenham
Image caption Tottenham

Cayaarihii kale ee Sabtida kooxo waa laga badiyay, kuwo way badiyeen, qaarna barbarro ayay noqdeen.

Kooxaha badiyay iyo kuwa laga badiyay:

Birmingham 2-0 ayay uga adkaatay Blackpool.

Sunderland 1-0 ayay ku tuntay Aston Villa, West Brom waxay 2-1 kaga badisay Fulham.

Kooxaha Tottenham iyo Everton 1-1 barbarro ah ayay ku galeen garoonka White Hert Lane.

Wigan iyo Bolton 1-1 ayay ku kala baxeen.

Cayaaraha Axadda, Stoke waxay gurigeeda ku martigalinaysaa kooxda Man U.

Liverpool waxaa marti u ah Blackburn.

Manchester City waxaa marti u ah kooxda Arsenal.