Cayaaraha Sabtida ee Premiership-ka England

Manchester City iyo Birminham waxay ku kala baxeen 0-0, inkastoo labada dhinacba goolal ay sigeen hadana natiijada kama dambaysta ah waxay noqoto barbarro iyo in koox walbaa dhibic kaliya cayaartan kala hoyato.

Cayaaryahanka Tevez ee kooxda Manchester City, ayaa laga diiday gool uu dhaliyay, taasoo calan-wadaha cayaarta uu ku tilmaamay in uu gacanta ku qaatay ka hor intii uusan dhalin goolka.

Goolasha ugu badan cayaarta Sabtida, waxay ka dhasheen cayaarta dhexmaraystay Tottenham iyo Blackburn.

Waxay cayaartan ku dhamaatay 4-2 ay ku badisay Tottenham.

Laba ka mid ah goolasha waxaa u dhaliyay cayaaryahanka Bale, iyadoo labada kalena ay ay dhaliyeen Pavlyunchenko iyo Crouch.

Labada gool Blackburn dib ayay ka dhaliyeen markii 4 gool shabaqooda lagu hubsaday, waxaana u kala dhaliyay Nelsen iyo Givet.

Cayaaraha kale, Aston Villa 2-2 ayay kaga badisay Manchester United.

Newcastle waxay eber iyo eber ku kala baxeen Fulham.

West Ham 0-0 ayay ku kala baxeen Blackpool.

Wigan 1-0 ayay kaga badisay West Brom.

Wolverhampton waxaa 3-2 kaga badisay kooxda Bolton.

Dhinaca dhibcaha waxaa hogaaminaya Chelsea oo 28 leh, waxayse beri la cayaaraysaa Sunderland oo marti u ah.

Manchester United hal dhibic ayaa u korodhay oo waxay leedahay 25.

Arsenal waxay beri la cayaaraysaa Everton, balse hadda waxay leedahay 23, Manchester City dhibic kaliya ayaa iyana u korortay oo 22 ayay yeelatay.

Bolton iyo Tottenham 19 ayay wada leeyihiin.

Newcastle 18, Aston Villa-na 17 dhibcood ayay leedahay, Sunderland 16.

Sadexda koox ee ugu hoosaysa waa Stoke oo 13 dhibic leh oo la cayaaraysa Liverpool, waxaana min 9 leh oo ugu hooseeya liiska Wolves iyo West Ham oo aanay cidina ka hoosaynin labaatanka kox ee ku tartamaysa cayaaraha England Permiership.