Birmingham 1-0 Chelsea

Chelsea
Image caption Kooxda Chelsea oo niyad jab kala tagtay cayaartii maanta

Cayaar xiiso leh oo dhexmartay kooxaha Birmingham iyo Chelsea ayaa waxa hal gool iyo eber ku adkaaday kooxda Birmingham.

Kooxda Chelsea ayaa marti u ahayd kooxda Birmingham.

Birmingham waxaa goolka guusha ay ku qaadatay u dhaliyay cayaaryahanka Lee Bowyer.

Dhinaca kale, cayaar kale oo xiiso leh oo iyana dhexmartay kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayaa waxa saddex gool iyo laba ku adkaaday kooxda Tottenham.

Image caption Arsenal iyo Tottenham

Cayaarta oo ka dhacday garoonka kubadda Cagta ee kooxda Arsenal ee Emirates ayaa waxa qeybtii hore laba iyo eber ku hogaaminayay kooxda Arsenal oo ay goolasha u kala dhaliyeen Nasri oo dhaliyay daqiiqaddii 9aad iyo Chamakh oo dhaliyay isna daqiiqadii 27.

Laakiin qeybtii labaad ee cayaarta markii la isugu soo laabtay ayaa kooxda Tottenham waxa u suurta gashay inay dhulka ka soo kacdo, waxaana ay dhaliyeen saddex gool oo ay u kala dhaliyeen cayaartooyda Bale oo dhaliyay 50aad, Van der Vaart oo isna gool rigoore ahaa dhaliyay iyo cayaaryahan Kaboul oo dhaliyay goolka saddexaad daqiiqaddii 85aad.