West Ham 1-3 Manchester City.

Kooxda Man City, waxay 3-1 kaga badisay kooxda West Ham oo gurigeeda ay ugu tagtay.

Yaya Toure, aya goolashada furay oo daqiiqadii 30-aad goolka koowaad dhaliyay.

Goolka labaad isla Yaya Toure ayaa kadib markii uu geeska dhigay goolhaye Green ay ku sii dhacday gool hayaha.

Goolka sadexaad ee Man City, waxaa si qurux badan ugu soo gudbiyay dhaliyaha goolka, cayaaryahanka Silva oo meel goolhaya iyo difaaca dhexdooda dhigay kubadda, iyadoo cayaaryahan Johnson uu kubadaas ka faa'iiday oo uu u gooyay goolhaye Green, shabaqada ku hubsday.

Cayaarta oo dhamaad ayaa hal gool ay soo gudday kooxda West Ham, balse waxba uma tarin oo 3-da dhibcoodba waxaa la wareegtay kooxda Man City.

Man City waxay yeelatay 32 dhibcood, oo waxay dhinaca dhibcaha la siman tahay Arsenal oo hogaanka haysta balse ay hal cayaar dheer tahay.

Arsenal Isniinta ayay Man U la cayaaraysaa.

West Ham wali waa ugu hoosaysaa tartanka, oo cidna kama dambayso, iyadoo leh 12 dhibcood.

Cayaaraha kale, Aston Villa 2-1 ayay kaga badisay West Brom, Stoke waxaa 1-0 gurigeeda uga badiyay Blackpool, Everton iyo Wigan 0-0 ayay ku dhamaatay, iyadoo Fulham iyo Sunderland ay iyaguna kula kala baxeen 0-0.

Tottenham Axadda ayay la cayaaraysaa Chelsea.