Chelsea 2-0 Blackburn

Cayaarihii Sabtida:Chelsea waxay 2-0 kaga badisay Blackburn.

Man City 4-3 ayay ku kala baxeen Wolves.

Stoke 2-0 ayay kaga adkaatay Bolton.

West Brom 3-2 ayay Blackpool kaga badisay.

Wigan iyo fulham 1-1 ayay isla dhaafi waayeen.

Man City ayaa hogaanka qabatay oo 45 dhibcood yeelatay. Man United ayay ka kormaraysaa 1 dhibic balse Man U 20 cayaarood ayay dheeshay.

Arsenal ayaa iyada leh 40 oo 21 kulan cayaartay, balse maanta cayaaraysa.

Chelsea oo badisay 38 dhibcood ayay yeelatay. Waxay ka kormartay Tottenham oo 36 leh balse Axadda la cayaartaysa kooxda Man U oo hadda ah kooxda labaad.

West Brom oo badisay waxay soo gashay booska 14 iyadoo yeelatay 25 dhibcood balse ay siman yihiin kooxaha Everton iyo Liverpool oo min 25 leh balse ka goolal badan West Brom.

West Ham oo 20 dhibcood leh ayaa ugu hoosaysa, iyadoo la cayaaraysa Arsenal, Aston Villa iyo Wolves oo sadexda hoose ka mid ah waxay iyaguna leeyihiin min 21 dhibcood.