Arsenal V Wolverhampton

Lahaanshaha sawirka a

Maanta oo Sabti ah dhowr cayaarood oo ku tirsan tartanka England Premier League ayaa qabsoomaya.

Waxaa ka mid ah:

Arsenal V Wolves Birmingham V Stoke Blackburn V Newcastle Blackpool V Aston Villa Liverpool V Wigan Man U V Machester City Sunderland V Tottenham West Brom V West Ham

Lahaanshaha sawirka Getty

Cayaarta ugu horaysay maanta waxay dhexmartay kooxaha Manchester United iyo Manchester City.

Waxaa BBC idiin soo gudbinaysaa cayaarta dhexmaraysa kooxaha Arsenal iyo Wolverhampton.

Waxay ku kulmayaa garoonka Emirates ee kooxda Arsenal.

Kooxda Arsenal ee gurigeeda lagu cayaarayo waxaa ka maqnaanaya cayaaryahankooda qadka dhexe Abou Diaby oo sadex cayaar ganaaxan kadib markii todobaadkii hore calaamadda guduudan la siiyay.

Alex Song iyo Johan Djourou ayay tahay in ay ka soo kacaan dhaawacyo ay horay u qabeen, balse Tomas Rosicky ayaa maqnaan doona.

Fabianski, Frimpong, Nasri iyo Vermaelen ayaa iyaguna dhaawac ah.