Manchester City oo hogaanka sii xagsatay

Robertto Manchini Lahaanshaha sawirka Getty

Kooxda Manchester City, ayaa sii xagsatay hogaanka ay u hayso tartanka England Premiership ee UK.

Mancester City, ayaa bilowgii cayaarta u muuqatay in ay halis ugu jirto in cayaarta laga badiyay kadib markii ay waqti dheer oo ilaa 15 daqiiqo ah ay ku qaadatay in ay soo guddo gool uu daqiiqadii 28-aad cayaaryahanka QPR Bothroyd uu ka dhaliyay. Daqiiqadii 43-aad ayaa Dzeko uu gool barbardhac ah u dhaliyay Man City.

Qaybtii labaad ayaa Silva uu gool labaad u dhaliyay Man City, balse QPR ayaa ka daba timid oo daqiiqadii 69-aad uu goolka barbar dhaca u dhaliyay cayaaryahanka Helguson.

Lahaanshaha sawirka AFP

Cayaaryahanka Yaya Toure ayaase daqiiqadii 74-aad xaqiijiyay in Man City ay guushu raacdo tartankan markii uu gool u dhaliyay.

QPR waxaa gurigooda ugu dambayntii looga adkaatay 2-3.

Manchester City ayaa kooxda ugu soo dhow tartanka ka horysa ilaa 6 dhibcood, waana kooxda ay isku magaalada yihiin Manchester United.

QPR oo ka mid ah kooxaha xilli cayaareedkan ku soo biiray tartanka kadib markii ay ka soo gudubtay qaybaha hoose, ayaa u muuqday in ay dadaal badan samaysay, waxay hadda leedahay 12 dhibcood.