Blackbur V Chelsea

Chelsea Lahaanshaha sawirka AFP

Kooxda Chelsea 1-0 ayay kaga badisay Blackburn.

Goolka kaliya ee kooxda Chelsea kaga adkaatay Blackburn waxaa u dhaliyay weeraryahankooda Frank Lampark oo kubadda heer hoose ku socota madaxa ku dhaliyay kadib markii uu la jiiftay.

Waxay ahayd cayaar xiise leh.

Waxaa garsooruhu cayaartan uu bixiyay ilaa lix digniinood.

Waxaa calaamadda hurdiga/jaalaha ee digniintay qaatay Lowe, Hanley, Givet iyo Pedersen oo dhamaan u cayaara Blackbur iyo Chelsea oo Sturridge iyo Meireles ay digniinta ka qaateen.

Lahaanshaha sawirka PA

Chelsea badiskeedu ma ahayn mid heer sare ah, balse waxaa lagu tilmaami karaa in si dhib badan ay ku badiyeen, iyadoo cayaar wanaagsan ay kooxda Blackburn soo bandhigay.

Blackburn qaybaha ugu hooseeya ayay kaga jirtaa tartanka dhinaca kala horaynta dhibcaha oo waxaa ka hooseeya oo kaliya kooxaha Bolton iyo Wigan.

Chelsea kaalinta afaraad ayay ku jirtaa oo waxaa sadex dhibcood ka saraysa oo booska sadexaad kaga jirta kooxda Newcastle oo ay ka sareeyaan Man United oo dhibic kaliya ka saraysa iyo Manchester City oo News ka saraysa 6 dhibcood.