Kulammada Afrika ee koobka adduunka

South African team
Image caption Kooxda dalka South Africa

kulammadii maanta oo Sabti ah dhacay waxay kooxuhu u kala badiyeen sidatan:

Burkina Faso 1-0 Gabon, waxaa lagu ciyaaray dalka Burkina Faso.

Angola 4-1 Liberia, waxaa lagu ciyaray Angola.

South Africa 4-1 Botswana, waxay ka dhacday magaalada Durban ee South Africa.

Nigeria 2-0 Mali, waxaa lagu ciyaaray Nigeria.

Central Africa Republic1-2 Ethiopia, waxay ka dhacday dalka Congo.

Kooxda Ghana durbadiiba way soo baxday kaddib markii ay 2-1 kaga badisay Zambia.

Waxaa hore u soo baxay kooxaha: Algeria, Masar iyo Ivory Coast. Waxaana la doonayaa lix kooxood oo kale inay soo baxaan.

Tobankaas kooxood ayaa wada ciyaari doona si ay uga soo baxaan kooxaha Afrika uga qayb geli doonaa tartanka koobka kubadda cagta adduunka ee sanadka dambe 2014 lagu qaban doono dalka Brazil.