Tababaraha Man City oo eedeeyay garsooraha

Man City
Qoraalka sawirka,

Tababaraha Manchester City

Macalinka kooxda Manchester City Manuel Pellegrini ayaa sheegay in garsooraha reer Sweden Jonas Eriksson uu u eexday kooxda Barcelona kaddib markii laga guulaystay.

Kooxda reer Spain ee Barcelona ayay guushu ku raacday 2-0 garoonka Itixaad ee kooxda Manchester City.

Garsoore Eriksson ayaa Barcelona siiyay rigooree kaddib markii kaar cas uu u taagay Martin Demichelis oo difaaca uga ciyaara City.

Pellegereni waxaa uu intaasi ku daray in garsooruhu ahaa kan gacanta ka gaystay guusha Barcelona, isla markaasna uu u eexanayay billowgii ciyaarta ilaa ay ka dhamaatay.