Kubbadda Crimea oo Ruushka ku biireysa

Crimea Russia flag Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Calanka Crimea ee Ruushka

Oggolaanshaha uu Ruushku oggolaaday heshiiska gobolka Crimea ee dalka Ukraine uu kaga mid noqonayo waddanka Ruushka waxaa uu keenayaa in labo naadi ee kubbadda caqgta oo ka tirsan Crimea ay ka baxaan tartanka Ukraine kuna biiraan kan horyaalka Ruushka,

naadiga FC Sevastopol iyo kan la yiraa SC Tavriya oo ka dhisan magaalada Simferopol ee caasimadda Crimea,waxay hadda tartanka horyaalka Ukraine kaga jiraan kaalimaha 11aad iyo 15aad.

kooxda Tavriya waxay noqotay horyaalkii ugu horreeyay ee dalka Ukraine oo xor ah sanadkii 1992-dii, waxayna qaadday koobka Ukraine sanadkii 2010-kii.

wareejinta kooxaha kubbadda cagta waxay ugu kici kartaa Tavriya iyo Sevastopol inay meel ka waayaan tartamada Yurub maadaama Midowga Yurub aanay aqbalayn go'aanka Crimea ay uga mid noqonayso Ruushka, xiriirka kubbadda cagta ee Yurubna aanu u oggolaan doonin inay Yurub ka ciyaaraan.

si kastaba ha ahaatee afhayeenka xiriirka kubbadda cagta ee dalka Ukraine, Pavel Ternovoy, waxaa uu BBC-da u sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii ay u difaacan lahaayeen naadiyadooda.

afhayeenna naadiyada Tavriya iyo Sevastopol labaduba waxay sheegeen inaysan wax hadal ah bixineyn inta ay kala caddaanayaan xaaladda iyo mustaqbalka Crimea.

sida uu dhigayo heshiiska dhexmaray Crimea iyo Ruushka,waxaa jiri doona xilli kala guur ah ilaa laga gaarayo kowda bisha Jannaayo ee sanadka 2015, markaas oo si buuxda loo dhammaystiri doono habka israaca Crimea iyo Ruushka.