Chelsea oo laga burburiyay Rajadeeda

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Tababarayaasha kooxada Chelsea iyo Atletic

Rajadii kooxda Chelsea ee ahayd inay mar seddaxaad gaarto ciyaarta ugu dambeyso ee Champions League ayaa burburtay kadib markii dharbaaxo weyn ay kala kulantay kooxda Atletico Madrid oo marti ku ahayd Stamford Bridge.

Atletico Madrid ayaa wajihi doonto kooxda ay isku magaalada yihiin ee Real Madrid oo Iyana ka 4-0 kaga adkaatay naadiga Bayern Munich.

Dhanka tababare Jose Mourinho ayaa mar sare u kacay kadib markii uu gool ka dhaliyay Fernando Torres tiimkiisii hore, taasoo fursad u siin lahayd Chelsea inay u soo baxdo ciyaarta ugu dambeyso.

Balse Chelsea ayaa u ogolaatay Atletico inay dib u soo noqoto kagadaal markii gool ay dhliyeen daqiiqado ka hor dhammaadka wereegii koobaad. Waxaana dhaliyay goolkaasi Adrian Lopez.

Diego Costa ayaa sare u qaaday rajada Atletico kadib markuu gool u badalay rigoore loo dhigay, iyadoo rajada Chelsea ay dhammatay markii gool seddaxaad uu ka dhaliyay laacibka Arda Turan, 18 daqiiqo ka hor dhammaadka ciyaarta.

Lahaanshaha sawirka REUTERS
Image caption Taageerayaasha kooxda Atletico oo ku dabaal degaya garoonka Chelsea

Firinbigii ugu dambeeyay markuu dhacay, taageerayaasha kooxda Atletico ayaa ku dabaal degay guriga Chelsea, halka taageerayaasheedana ay illin ka timi.

John Terry oo ayaa istaagay bartamaha karoonka, wuxuuna billaabay inuu ilmeeyo. Waxayna u ahayd murogo aad u weyn Jose Mourinho oo ay u dhammaatay rajadiisa ahayd inuu meel wanaagsan ka gaaro horyaalka Ingiriiska iyo kan Yurub.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Chelsea oo lagu kufiyay gurigeeda, waana mid ka mid ah ciyaartoyda Atletico ee ka adkaaday Chelsea

Waa markii ugu horeysay oo naadiga Atletico uu soo gaaray final ka koobka ugu sareeyo qaaradda Yurub tani iyo sanadkii 1972.

Waxay la ciyaarayaan 24-ka bisha May kooxda ay isku magaalo yihiin ee Real Madrid, taasoo noqoneyso makii ugu horeysay oo koobkan ay ku tartamaan laba naadi oo isku magaalo ah.

Mourinho ayaa marxaladda soo gaaraayay shanti sano ee ugu dambeysay, balse hal mar oo keli ah oo ahayd 2010-kii ayuu ku guuleystay inuu ciyaarta ugu dambeyso gaaro inkastoo uusan koobka helin.

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Chelsea Atletico Madrid
Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Terry oo ku ilmeynaya bartamaha garoonkooda oo looga adkaaday, ayna ku barburtay rajadii ay qabeyn
Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Atletico Madrid ayaa ku guuleysatay inay usoo baxdo finalka ciyaaraha Champions league markii ugu horeysay tani iyo 1972