Liverpool waa uga dhammaatay horyaalka

Tony Pulis Lahaanshaha sawirka All Sport
Image caption Maamulaha Crystal Palace Tony Pulis

Waxaa xalay dib u dhac weyn la kulantay kooxda Liverpool oo ka mid ah kooxaha lagu waday inay sanadkan horyaalka Ingiriiska ku guulaysan karaan kaddib markii ay barbardhac 3-3 gool ah la gashay kooxda Crystal Palace.

Ciyaarta labadan kooxood waxaa inteeda badan gacan sarreysay Liverpool oo ku hoggaaminaysay 3-0 hase ahaatee 11-kii daqiiqo ee ciyaarta ugu dambaysay ayaa lagu soo kululeeyay taas oo keentay in laga daba yimaad markii saddex gool lagu boobsiiyay.

Liverpool ooyin ayay garoonka kala baxday waxaana dhaawac aanay ka soo waaqsan karin uu soo gaaray rajadeedii qaadista horyaalka sanadkan oo hadda fursadda ugu fiican ay u soo hartay kooxda Manchester City.

Guuldarrada Liverpool mid la mid ah waxay hore ugu dhacday Chelsea oo barbardhac la gashay kooxda Norwich, taas oo meesha ka saartay riyadii Chelsea inay sanadkan horyaalka qaaddo.