Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Diyaargarow koobka adduunka ee fifa

Lahaanshaha sawirka
Image caption Tartanka koobka adduunka ee FIFA

Maalinta Khamiista ee 12-ka bishan June waxaa dalka Brazil ka bilaabaya ciyaaraha kama dambaysta ah ee 32 kooxood oo u soo baxay tartanka koobka adduunka ee Fifa oo afartii sanaba mar la qabto.

Kooxaha ka qayb gelaya tartankan waxay hadda ku jiraan tabaabushahoodii ugu dambeeyay iyo tijaabooyin ay doonayaan inay ku saxaan meelaha ay la noqoto in koox waliba ay ka liidato iyagoo kulammo saaxiibtinimo la yeelanaya kooxo kale isla markaana sii tijaabinaya jawiga cimilada koofurta America ee tartanka lagu qabanayo.