Michael Schumacher oo ka soo baxay Koma

Horyaalka tartanka Formula One ee hore, Michael Schumacher, ayaa ka soo kacay suuxdin mudo dheer uu ku jiray waxaana loo qaaday isbitaal u dhow gurigiisa ee magaalada Lausanne.

Horyaalka toddobada jeer ee Formula One, ayaa ku jiray isbitaal Faransiis qaybta dadka liita tan iyo December, markii uu ka dhaawacmay madaxa isagoo samaynayo ciyaarta barafka lagu dul ordo.

Madaxa Schumacher ayaa sheegtay inuu sii wadi doono raysashadiisa. Wariyaha BBC ayaa sheegaya in raysashadiisa ay noqon karto mid waqti dheer qaadata oo adag.