Afrika oo ka hartay Koobka Adduunka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciyaaryahanada Yohan Cabaye ee u dheela Faransiiska iyo Victor Moses oo u dheela Nigeria oo ku looltamaya kubada

Ciyaaraha kubadda cagta adduunka ee ka socda waddanka Brazil ayaa labadii koox ee Afrika ugu dambaysay lagu reebay wereega 16-ka.

Nigeria ayaa waxaa 2-0 kaga badiyay xulka Faransiiska, halka xulka Jarmalkana uu 2-1 kaga adkaaday xulka Aljeeriya, kaddib markii ciyaarta lagu daray waqtiga dheeraadka ah.

Waxa ay ahayd markii ugu horeysay ee laba wadan oo Afrikaan ah ay gaaraan wareega 16-ka ee Koobka Adduunka.

Xulalka Nigeria iyo Aljeeriya wax walba ayey sameeyeen sidii ay ku gaari laheen wareega rubac dhammaadka, balse labaduba waa ay guul dareysteen markii ay ciyaar adag kala kulmeen kooxihii ay wada ciyaareen.

Xulka Aljeeriya ayaa cadaadis xooggan saaray xulka Jarmalka, waloow dadaal badan ay sameeyeen, haddana waa ay ka faa’iideysan waayeen fursado badan oo ay goolal ku dhalin kareen.

Ciyaarta ayaa 0-0 ku dhammaatay xilligi caadiga ah, waxaana lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah, markaas ayayna Jarmalka dhashadeen laba gool oo is xigay.

Aljeeriya ayaanan quusan, oo waxa ay dhashadeen gool, sidaas ayayna ciyaartu ku dhammaatay.

Ciyaartii Nigeria iyo Faransiiska dhex martayna, waxaa laba gool oo xilli dambe ah ku badiyay xulka Faransiiska.

Tababaraha xulka Nigeria, Stephen Keshi, ayaa shaqada iska casilay markii ay ciyaarta dhammaatay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan