Tartanka England Premiership furmaya

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Ka dib markii uu dhamaaday tartankii koobka kubada cagta ee aduunka ayaa indhaha taageerayaasha kubada waxay ku jeedaan tartanka kooxaha England oo maalinta sabtida bilaaban doona.

Tartanka kubada cagta ee England ayaa ah midka loogu daawashada badan yahay caalamka inkastoo iyagana la daawado tartamada Spain iyo Jarmalka oo tartan xoog leh kula jira kan England.

BBC-da ayaa eegaysa kooxaha,ciyaartoyda iyo tababaraasha sanadka isha lagu hayo. Kooxaha

Manchester United

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Ka dib markii tartankii hore ay kooxda Manchester united ku dhamaysatay lambarka todobaad. Uuna laylinayay David Moyes ayaa sanadkan waxa ala filaya ain tawabaraha cusub Louis Van Gaal inuu kooxda wax ka badalo.

Van Gaal waxuu kooxda Manchester la wareegay, maalmo ka dib markii uu ka soo laambat koobka aduunka oo uu laylinayay kooxda Natherlands oo lambarka sadaxaad gashay.

Van Gaal waxuu kooxda u kaxeeyey fasaxoodii Maraykanka oo kulamdii ay ciyaareen oo dhan ay ku soo badiyeen, balse sanadkan kooxda Manchester kama qayb galayso tartanka kooxaha Yurub, waxay kooxda culayska saari doonta aoo kaliya tartanka England oo ay doonayso inay soo ceshato sumcadii ay ku lahayd.

Kooxda Liverpool

Liverpool sanadkan waxay kharash garaysay lacag badan ka dib markii ay iska sii iibisay Luis Siares oo lagu gaday lacag gaaraysa 75 Million oo Pound.

Liverpool waxay tartankii hore gashay lambarka labaad, Tawabare Brendan Rodgers waxuu doonaya ain kooxda Liverpool ay dadaalkeeda sii wado iyadoon la tebin Luis Suarez.

Waxuuna sanadka soo iibsaday todobo ciyaartooy oo cusub.

Kooxda Manchester City

Manchester city markii labaad ayay ku guulaysatay koobka England ayaa mar kale waxay la timid ciyaartoy tayo leh oo uu ka mid yahay yahye Toure oo horay u sheegay inuusan ku faraxsanayn joogitaanka kooxda, balse hada baaqi ku sii ahaatay kooxda Manchester City.Man City waxay soo gadatay dhowr ciyaartooy oo ay ka mid yihiin, Bacary Sagna, Fernando iyo difaaca Eliaquim,

Kooxda Chelsea

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Chelsea waxay soo iibsatay ciyaartoy uu ka mid yahay, Diego Costa, Cesc Fabrigas waxayna iska sii iibisay, Frank Lambard, Ashley cole,demba Ba, David Luiz iyo Samuel Eto.Sidoo kale kooxda Chelsea waxaa ku soo laabmay Didiar Drogba

Arsenal

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Kooxda lagu naanayso Gunners waxa ay xili ciyaareedkoodoo hore ku dhameeyeen si wanaagsan, laakiinse waxaa yaraaday rajadii ay ka qabeen horyaalnimada ama in ay koobka ku guulaystaan.

Balse markale ayay afarta u horaysa ka mid noqdeen iyaga oo xaqiijiyay in ay ka mid noqonaya kooxaha u ka qayb galaya koobka Champions League, iyaga oo koobkaas ka qayb galay lix iyo toban sano oo xidhiidh ah.

Taageerayaasha Arsenal waxa ay aad u warsugayeen tababarahooda Wenger oo ay doonayeen in uu lacagaha badan ee kaydka ugu yaala kooxda in uu ku soo gado ciyaartooy cusub.

Soo gadashadii uu soogaday ciyaartooyga baalaha ka dheela ee Chile Alex Sanchez kana sooo iibiyay kooxda Barcelona oo ugu kacday 35 milyan ayaa aad u raali galisay taageerayaasha.Ciyaartooy gaas oo ah weerar yahan wanaagsan ayaa sii kooxda ku kordhin doona xeelado ama tabo iyo xawaare.

Leicester City

Heerarka sare oo ay ka maqnaayeen muddo toban sano ah, kooxdaasi uu leeyahay nin heer Thai-ga ah waxa ay doonayaan in ay tusaale ka dhigtaan Crystal Place xili ciyaareedkeedii sanad kii hore, Iyada oo kooxdaa ay sii kordhisay higsigeedii kana baaqsatay in ay dib u laabato koobka heerka labaad ee Championship.

Balse waxa ay u baahan yihiin in ay maal galin sameeyaan, iyada oo uu maamulahooda Vichai Srivaddhanaprabha uu sheegay bishii shanaad ee sanad kan in kooxdu ay isticmaali doonto 180 milyan. Ilaa iyo hada se qof magacleh ma aysan soo gadanin.

QPR

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Tababarihii hore ee West Ham iyo Spurs Harry Rednapp ayaa dib u soo noqday kaddib mar kii uu QPR uu ku soo celiyay tartanka horyaalka Ingiriiska.Steven Caulker oo Malayshiyaan ah Naadiga uu milkiilaha ka yahay waxa ay leeyihiin khibrado badan.

Waxay difaac wada-galayaan Ferdinand iyo Steven Coulker iyaga oo ka hor ciyaaridoona goolhayaha Brazilian ka ah Julio Cesar, markaas waxa ay istaahilaan in dheeshooda la daawado.

Burnley

Naadigan waxa uu horyaalka Ingiriiska ku soo laabtay afar sano kadib.Macalinka Layliya kooxdan Sean Dyche ayaa isku dayaya inuu naadigan keeno ciyaartooy qibrad leh Ciyaartoyda indhaha lagu hayo

West Bromwich

Kooxda West Bromwich waxay keensatay Brown Ideya oo reer Nigeria ah.

West Ham ku soo biiritaanka uu ku soo biiray weerar yahanka Ecuador Enner Valencia waxa ay dhiiri galinaysaa xeelado weerar ee dheeri ah oo ay yeeshaan naadiga Allardyce, Enner wuxuuna ahaa mid ka mid ah ciyaartooygii aadka uga muuqday is reeb-reeb kii Ciyaaraha Koobka Adduunka.

Ciyaaryahanka qaranka Belgium Romelu Lukaku ayaa isna ah ciyaartay ay tahay in uu wax badan xaqiijiyo, Jose Mourinho oo aan doonaynina waxa ay sababtay in uu si buuxda ugu wareego naadiga Everton xagaagan. Shaki la’aana waxa uu doonayaa in uu si wanaagsan u ciyaaro si uu tababaraha Chelsea u tuso in uu baylihiyay ciyaartooygaasi.

Waxaa isna mudan in la daawado Brown Ideye oo kooxda West Bromwich Albion ay ku soo gadatay lacagtii u badnayd ee ay ciyaartay u hurto.

Weerar yahanka heer Nigeria oo ay ka soo gateen Dynamo Kiev oo ay soo siisteen £10 milyan ayaa ka maqnaa kooxdiisa qaranka ee Super Eagles mar kii ay ciyaaraha adduunka. Balse waxa uu se ka qayb galay ciyaarihii koobka Qarammada Afrika oo ay qaadeen waxa uu dhaliyay 74 gool isaga oo ciyaaray 182.

Macalimiinta kooxaha

Tababaraha reer Argentine Mauricio Pochettino oo kooxda Tottenham laylinaya. Sidoo kale waxaa isha si weyn logu hayaa Macalinka cusub ee kooxda Manchester United Lius Van Gaal, Ronald Koeman oo isna yimid kooxda Southampton