Maamulka Van Gaal ee Man Utd guuldarro ayuu ku bilawday

Swansea gool keeper Lahaanshaha sawirka All Sports Getty
Image caption Goolhayaha Swansea Fabianski

Swansea markii ugu horreysay ayay ciyaar horyaalka ka badisay Man United oo 2-1 ay kaga adkaatay.

Manchester United ciyaartii ugu horreysay maalinta furitaanka horyaalka ayaa gurigeeda looga badiyay tan iyo sanadkii 1972.

Maalin ku bilaabatay soo dhoweyn xoog leh oo taageerayaasha Man United u fidyeen maamulahooda cusub ee Dutch-ka ah ayaa waxay ku dhammaatay inay guul darro kala dareeraan garoonkooda Old Trafford.

Van Gaal waxaa uu sheegay inuu dusha u ridanayo mas'uuliyadda ciyaarta laga badiyay iyadoo kooxdu aanay soo bandhigin ciyaar isku xiran ee koox ahaaneed. Guuldarradani waxay muujinaysaa hawsha culus ee hortaal maamulaha cusub iyo horumarka looga baahan yahay inuu ka sameeyo dhinacyo badan sida xoojinta weerarka oo kale.

Dhaawacyo ciyaartoyda qaar ay ku maqan yihiin, oo ay u wehliso inuusan ciyaartoy cusub soo iibsan, ayaa keentay in Van Gaal uu markii ugu horreysay dheelsiiyo labo dhallinyaro ah oo akademiyada ka soo baxay oo kala ah Tyler Blackett iyo Jesse Lingard.

Inkastoo ay markii hore si fiican u ciyaareen haddana Manchester United sidii ay tartankan ku bilawday way ka fog tahay inay horyaalka qaaddo sanadkan.

Ciyaaraha kale ee galabta dhacay waxaa loo kala badiyay sidatan:

Leicester 2 - 2 Everton

QPR 0 - 1 Hull

Stoke 0 - 1 Aston Villa

West Brom 2 - 2 Sunderland

West Ham 0 - 1 Tottenham.