Kulamadii premiership-ka ee shalay dhacay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Kooxda Liverpool

Waxaa shalay oo Sabti ahayd dhacay 8 kulan oo ka tirsan ciyaaraha horyaalka Ingiriiska.

Laba kulan oo kuwaasi ka mid ah ayaa ahaa kuwo xiiso gaar ah leh, waxaana ay ahaayeen kulamada loo yaqaano derbiga, oo ah cayaarta ay isaga horyimaadaan laba koox oo isku deegaan ama degmo ah.

Kulamadaasi shalay ayaa kala ahaa kii dhex maray Liverpool iyo Everton, iyo kii dhex maray kooxaha Arsenal iyo Tottenham.

Labada kulanba waxa ay ku dhammaadeen min 1-1.

Cayaarta Liverpool iyo Everton ayaa xiiso gaar ah lahayd, waxaana goolka ku hormartay Liverpool oo marti loo ahaa, captain Steven Gerrard ayaana goolka u dhaliyay daqiiqadii 65-aad.

Everton oo aan niyad jabin ayaa weerarkeeda xoojisay, waxaana goolka barbaraha u dhaliyay daqiiqadii 90-aad Phil Jagielka.

Cayaartii dhexmartay Arsenal iyo Tottenham ayaa sidoo kale 1-1 lagu kala baxay.

Nacer Chadli ayaa Tottenham goolka u saxiixay daqiiqadii 56-aad, waxaana Arsenal oo garoonkeeda lagu ciyaarayay goolka bareejada u dhaliyay Oxlade-Chamberlain daqiiqadii 74-aad.

Kulamada kale ee dhacay, Manchester City ayaa 4-2 kaga badisay Hull City, waxaana laba kamid ah goolasha City dhaliyay Eden Dzeko.

Chelsea-na waxa ay 3-0 ku aamusisay Aston Villa.

Lahaanshaha sawirka v
Image caption Diego Costa

Laacibka cusub ee xilli ciyaareedkan kusoo biiray Chelsea, Diego Costa, ayaa gool ka mid ah saddexda gool dhaliyay.

Diego Costa ayaa hadda hoggaanka u hayo gool dhalinta horyaalka Premier League, waxaana uu leeyahay 8 gool.

Manchester United ayaa shalay boorka iska jaftay, waxaana 2-1 ay uga badisay West Ham, oo marti ugu ahayd garoonkeeda.

Balse Manchester United ayaa laga saaray captain-keeda, Wayne Rooney, kaddib markii uu sixun u jebiyay Stewart Downing.

Iyada oo hadda ay kooxaha badankood dheeleen 6 kulan, ayaa waxaa hoggaanka haya Chelsea oo 16 dhibcood leh, waxaa ku xiga Southampton oo 13 dhibcood leh, Manchester City oo 11 leh, halka lambarka afaraadna ay ku jirto Arsenal oo 10 dhibcood leh.