Cayaaryahanka Yacin Brahimi

Yacin Brahimi Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Sanad kasta, naadiyada ugu waaweyn Faransiiska waxay saf u galaan inay qaataan jaamiciyiin ka soo baxay akademiyada caanka ah ee Clairefontaine.

Sanadkii 2006, Yacine Brahimi waxaa uu ahaa aqoonyahan muuqda naadiyada rabayna waxaa ka mid ahaa kooxda weyn ee Paris Saint-Germain.

Laakiin waalidiintiisa ayaa doorbiday inuu u ciyaaro kooxda Stade Rennais – naadigaas oo meel mariyay barnaamij ballaaran oo waxbarasho oo caalami ah.

Taasi waxay kaloo soo jiidatay Brahimi, oo isagu aan dooneyn inuu waxbarashadiisa dayaco, waxaana uu doortay naadiga Breton.

Hase ahaatee ku wareegiddaasi si fiican uma dhicin. Brahimi waxaa gaaray dhaawacyo muddo qaatay waxayna kaloo dhowr jeer isku dhaceen maamulaha naadiga Frederic Antonetti.

Ku-wareegid Granada ayaa albaab cusub u furtay laacibkan khadka dhexe ka ciyaara waxaana koofurta Spain uu ka helay heer kalsooni aanu marnaba ka helin France.

Imaanshihiisa Spain

Qaadashadaasi Spain waxay noqotay mid la yaab leh iyadoo aad loo jeclaystay qaabkiisa farsamada ciyaarta.

Waxyaabaha uu ku fiican yahay, Brahimi waxaa uu boos ka dhex helayaa inta u dhexeysa khadka dhexe iyo difaaca ka soo horjeeda.

Xarfadeyntiisa kubbadda ee aadka u sarreysa waxay u oggolaanaysaa inuu kubbadda la baxsado iyo inuu u dhigo fursado ay saaxiibbadiis gool ku dhaliyaan.

Hase yeeshee dhaliil weyn oo loo soo jeediyay Brahimi waxay ka soo baxday Granada – taas oo ahayd in dhammaystirkiisu uu liitay.

Laba xilli-ciyaareed oo buuxa iyo in ka badan 60 kulan oo uu saftay, Brahimi waxaa uu dhaliyay saddex goo loo caato ah iyo shan gool oo saaxiibbadiis uu u dhigay.

Kooxda Porto

Haddana waxaa la yaab leh 2014 koobkii adduunka ee Algeria uu u saftay waxaa uu ku helay inay qaadato kooxda Porto.

Dalka Portugal-na Brahimi ugu dambaystii waa uu ku baraaray; 11 ciyaarood waxaa uu dhaliyay afar gool waxaana uu dhigay afar gool.

Qaranka Algeria

Guushaasi waxay gaarsiisay masraxa caalamka halkaas oo Brahimi uu laba gool ka dhaliyay hal goolna uu gacan ka geystay dhalintiisa afar ciyaarood taas oo dalka Algeria uu ugu soo baxay koobka qaramada Afrika ee sanadka dambe.

Brahimi wax dheeraad ah ayaa ku daray ciyaartiisa, taasoo ah inuu haysto qaabkii uu uga ciyaari jiray Granada isla markaana horumarinaya qaabka gool dhalintiisa.

Haatanna cirka ayuun baa soo celin kara numberka 8aad ee cusub ee kooxda Porto.