Bernstein oo ku baaqay in la qaadaco Koobka Adduunka

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption David Bernstein, gudoomiyihii hore ee Xiriirka Kubadda Cagta ee Ingiriiska ee FA-da

Xiriirka Kubadda Cagta ee Ingiriiska ee FA-da ayaa lagu booriyay inay ol ole ka sameeyaan Uefa si ay Yurub u qaadacdo ciyaaraha Koobka Adduunka ee soo socda – ilaa ay Fifa ka fulinayso isbadalo wax ku ool ah.

Gudoomiyihii hore ee FA-da David Bernstein, ayaa BBCda u sheegay in la joogo xilligii ficil adag laga qaadan lahaa guddiga maamula Fifa.

Waxa uu rumaysan yahay inay suuragal tahay in tartanka aanan la qaban karin haddii anay ka qeyb qaadan wadammada Yurub, in la qaadacana waxaa teegi kara buu yiri dadka Ingiriiska.

Dhanka kale, Bernstein ayaa iska casilay guddiga ka hortaga midab takoorka ee Fifa.

Waxa uu ku tilmaamay gudigaasi inuu yahay mid aan waxba tarayn, waxa uuna doonayaa inuu xiriirka u jaro Fifa.

Waa murankii ugu dambeeyay ee soo wajaha guddiga maamula ciyaaraha kubadda cagta ee adduunka, kaasi oo uu dhawaanahan hareeyay eedo musuq maasuq.