Baloteli oo raaligelin bixiyay

Weeraryahanka Liverpool Mario Baloteli ayaa raaligelin ka bixiyay sawir uu soo dhigay bogiisa bulshada oo u muuqatay inay ku jireen tilmaamo cunsurinimo.

Baloteli oo 24 jir ah ayaa durbaba tirtiray waxa uu soo dhigay bartiisa Instagramka. Ka hor intuusan raaligelinta bixin ayuu tuwiitkiisa ku dafiray in qoraalka uu ahaa aflagaado.

Xiriirka kubadda cagta ayaa weydiistay Balotelli inuu ka jawaabo, waxayna u qabteen ilaa 6pm jimcaha halka ay Liverpool-na sheegtay inay la hadlayaan cayaartoyga.

Afhayeenka kooxda Kick it out oo ah koox la dagaalanta kala soocidda ayaa BBC-da qeybta cayaaraha u sheegay in uu ku wargaliyay waxa uu Balotelli soo dhigay Instagarmka qof tuwiiterka isticmaala, waxaana hadda loo sii gudbiyay FA si ay arrinta u fiiriso.

Xeerka warbaahinta bulshada ee FA ayaa dhigaya in ugu yaraan laga mamnuuco shan cayaarood xadgudubyada la xiriira cunsuriyadda.