Natiijooyinka Group D ee koobka AfCON

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Koobka Qaramada Afrika

Xulalka Mali iyo Cameroon ee ka wada tirsan group D ayaa ku kala baxay 1-1, walow dalka Mali gool laga diiyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta.

Waxaa sidoo kale wada dheelay xulalka Guinea iyo Ivory Coast, waxaana ay isla dhaafi waayeen 1-1.

Ivory Coast oo ka mid ah xulalka ugu adag tartanka, ayaa goolka lagala hormaray, misana laga saaray qeybtii labaad ee ciyaarta laacibkooda Gervinho.

Shan ka mid ah sideedii kulan ee la dheelay tartankan qaramada Afrika, ayaa kusoo dhammaaday barbaro 1-1 ah.