Ciyaarta finalka ee Qaramada Afrika

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Koobka Qaramada Afrika.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay ciyaarta finalka ee Koobka Qaramada Afrika oo ay ciyaarayaan Ivory Coast iyo Ghana.

Rabshado ayaa ka dhashay ciyaartii semi finalka ee u dhaxaysay Ghana iyo Equatorial Guinea, markii taageerayaasha ay tuuryeeyeen garoonka.

Labada koox ayaa final isaga hor yimid 1992- dii iyadoo Ivory Coast ay ku guulaysatay rigoore. Ghana ayaa ku guulaysatay koobka afar mar.