Cunsuriyadda taageerayaasha Chelsea

Naadiga Chelsea ayaa sheegay inay u diyaar u yihiin in laga mamnuuco taageerayaal laga duubay filimka iyagoo nin madow u diidaya inuu raaco tareenka Paris ee Metro.

Muuqaal la soo digay internetka ayaa muujinaya taageerayaal Chelsea ah oo saaran tareenka oo ku qeylinaya gacnahana ku riixaya nin ay si joogta ah uga celinayeen tareenka inuu soo raaco. kaddibna waxay ku heesayeen inay yihiin cunsuriyeen ayna tahay sababta ay u jecel yihiin.

Taageerayaasha ayaa Paris u tagay cayaaraha horyaalka oo Chelsea kula laheyd kooxda PSG ee dalka Faransiiska.