Tottenham kor ayay u soo kacday Sabtidan

Tottenham players Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Ciyaartoy ka tirsan Tottenham

Laba gool oo uu dhaliyay laacibka heerka sare ah ee Harry Kane ayaa kor u qaadday kooxda Tottenham inay dib ugu soo noqoto lixda kooxood ee ugu sarreeya tartanka horyaalka Ingiriiska ee kubbadda cagta.

Tottenham waxay gurigeeda uga badisay kooxda QPR oo qudheedu iska lumisay dhowr fursadood oo ay gool ku dhalin kareen.

Horayaalka waxaa hoggaaminaysa Chelsea oo leh 63 dhibcood. Waxaa ku xigta Manchester City oo leh 58 dhibcood.

3aadna waxaa ku jirta Arsenal oo leh 54 dhibcood.

kaalinta 4aad waxaa joogta Manchester United oo leh 53.

Liverpool-na 5aad ayay taagan tahay iyadoo leh 51 dhibcood.