Chelsea yaa soo qaban doona horyaalkan?

Chelsea players Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Ciyaartoy Chelsea ka tirsan

Sabtidan waxaa jiray shan ciyaarood oo ka tirsan horyaalka. waxaana loo kala badiyay sidatan:

Stoke 2-1 Southampton.

Crystal Palace 0-2 West Brom

Everton 1-0 Burnley

Leicester 2-0 Swansea

Chelsea 1-0 Manchester United

Guusha ugu weyn Sabtidan waxaa gaartay kooxda Chelsea oo hadda ay adag tahay in la soo qabto kaddib markii ay 10 dhibcood ka hormartay kooxda ku soo xigta oo ah Arsenal.

Waxaa ku sii xiga Manchester United iyo Manchester City.

Dhinaca kale, Arsenal ayaa u soo baxday ciyaarta kama dambaysta ah ee koobka FA kaddib markii ay 2-1 uga badisay kooxda Reading oo ay isla gaareen 30 daqiiqo oo waqti dheeraad ah.

Berrito oo Axad ah waxaa wada ciyaaraya kooxaha Liverpool iyo Aston Villa oo tii soo baxda ay iska hor iman doonaan Arsenal oo hadda final taagan.