Soomaaliya oo isu diyaarinaysa koobka 2019

Gudoomiyaha Xiriirka kubadda cagta ee dalka Soomaaliya Cabdiqani Saciid, ayaa sheegay in dalkiisu uu rajaynayo in uu ka qaybgalo tartanka Qaramada Qaaradda Afrika ee sanadka 2019-ka ay soo afjari doonaan ka maqnaanshaha ay koob kaasi ka maqanyihiin tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 1974.

Soomaaliya waxa ay ka qaybqaadatay koobka kubadda cagta ee Qaaradda hal mar oo kali ah, waxaana arrintaasi inta badan loo aanaynayaa ammaan darada, maalgalin la’aan iyo kaabayaashii oo liita.

Dhamaan 54 dal ee Qaaradda Afrika, Soomaaliya iyo Eritrea oo kali ah ayaan ka qaybqaadanaynin tartanka loogu soo baxayo koobka qaaradda ee sanadka 2017.

Cabdiqani Waxa uu sheegay in sanadkan dhamaadkiisa la dhamaystiri doono garoon cusub oo qaran, ayna rajaynayaan in ay diyaargarawgooda ku soo afjaridoonaan waxa ka horeeya sanadka 2019.