Isku aadka nus_dhamaadka Horyaalada Yurub

Barcelona iyo Bayern oo isku aaday, Juventus iyo Real Madrid oo wada dheeli doona

Kooxda Barcelona ayaa nus dhammaadka koobka Horyaalada Yurub waxa ay ku aaday kooxda Bayern Munich ee uu tababaraha u yahay macalinkoodii hore ee Pep Guardiola. Halka kooxda Juventus ay markii ugu horreysay tan iyo 2003 dheelayso nus dhammaadka koobkan, iyadoo ka hortagaysa kooxda koobka difaacanaysa ee Real Madrid.

Lugta hore ee ciyaarahan ayaa waxaa la dheeli doonaa 5-ta iyo 6-da bisha May, halka lugta labaad ee kulamadaasina la dheeli doono todobaadka xiga.

Tababaraha kooxda Bayern, Guardiola, ayaa 4 sano oo uu laylinayay kooxda Barcelona waxa uu u qaaday 13 koob oo ay ku jiraan laba koob oo ah Horyaalada Yurub, kuwaasi oo uu hantiyay 2009-kii iyo 2011-kii.

Sidoo kale tababarahan waxa uu soo gaaray nus dhammaadka koobka Horyaalada Yurub lixdii xagaa ee uu tababaraha u kala ahaa Barcelona iyo Bayern.

Tababare Ancelotti ayaa waxa uu la midoobi doonaa mid ka mid ah kooxihiisii hore, maadaama uu horay u soo maamulay kooxda ka dhisan magaalada Turin intii u dhaxaysay sanadihii 1999 ilaa 2001.

Ciyaarta kama dambeysta ee koobka Horyaalada Yurub ayaa la saadaalinayaa inay isugu soo hari karaan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, taasi oo ah wax aan horay u dhicin.

Labadan kooxood ayaa waxa ay ku tartamayaan hanashada Horyaalka Spain.

Real Madrid ayaa kasoo baxday kooxda uu xifiiltanka kala dhexeeyo ee Atletico Madrid, oo labadii kulan ee ay dheeleen waxaa lugtii dambe hal gool dhalisay kooxda Real Madrid oo uu u dhaliyay goolkaasi Javier Hernandez.

Bayern Munich ayaa lugtii dambe waxa ay 6-1 ku xaaqday kooxda Porto oo guuldarro layaab leh lugtii hore dhabarka usoo saartay Bayern, ciyaartuna waxa ay ku soo dhammaatay celcelis dhan 7-4.

Barcelona ayaa celcelis dhan 5-1 waxa ay kaga soo gudubtay kooxda Paris St-Germain, halka Juventus ay gool lugtii hore ay ciyaarta dhalisay kaga soo baxday kooxda Monaco.

Ciyaarta kama dambeysta ah ee koobkan ayaa waxaa 6-da bisha June lagu dheeli doonaa garoonka Berlin's Olympic Stadium.