Ciyaarihihii u dambeeyay ee kubadda cagta

Lahaanshaha sawirka bbc

Shalay iyo xalay waxaa dhacay ciyaaro ka tirsan horyaalka Ingiriiska ee Premier League,

Kooxaha ciyaarayna waxaa ka mid ahaa Everton oo gurigeeda ku martigalisay kuna dubatay kooxda wayn ee Manchester United.

Manchester United waxa ay lumisay fursad ay toban dhibcood kaga hormarikartay kooxda uu xifaaltanku ka dhexeeyo ee Liverpool , kaddib markii ay guul daradaasi soo gaadhay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay labo gool iyo eber, kaddib markii uu James oo ka tirsan Evertan dhaliyay gool weerar celis ah, John-na teesto ama madaxa uu ku labeeyay.

Kooxda Manchester United ayaa soo bandhigtay ciyaar wanaagsan laakiin rajadii ay ka qabtay in ay goolashaasi iska soo gudo waxaa meesha ka saaray Meralles oo dhaliyay gooshii saddexaad.

Ciyaartiina waxa ay ku dhamaatay saddex iyo eberkaas.

Kooxda Everton waxa ay hadda soo gashay kaalinta tobnaad, guushana waxa ay ahayd tii ugu waynayd ee ay ka gaadhaan kooxda Manchester United mudo 23 sano ah,inkasta oo ay ka badiyeen saddexdii kulan ee u dambaysay.

Tababaraha Manchesterna waxa ay u ahayd guuldaradii ugu waynayd ee soo wajahda tan iyo intii uu xilka kooxda hayay.

Arsenal iyo Chelsea

Waxaa iyadana xalay dhacday ciyaar aad loo sugayay oo dhexmartay kooxaha Arsenal iyo Chelsea waxa ayna isla dhaafiwaayeen ebar iyo ebar.

Waxa ay u muuqatay in kooxda Chelse ay difaac gashay, iyaga oo dhibickasta oo ay helaan ay u sii dhawaynayso hanashada horyaalka Ingiriiska.

Haddana waxa ay ubaahanyihiin shan dhibcood oo kali ah, hadii ay badiyaan labada ciyaarood ee soo socotana waxa ay qaadayaan koobta.

Spain

Dalka Spain-na xalay waxaa ka dhacay dhawr ciyaarood waxana ka mid ahaa ciyaar dhexmartay Celta Vigo iyo Real Madrid waxa ay ku kala baxeen afar iyo labo gool, waxa ayna guushu raacday Real Madrid.

German

Dhanka Jermankana waxaaba lagu kala baxay koobkii Bundesligaha oo waxaa markii shan iyo labaatanaad hanatay kooxda Bayern Munich, waxa ayna noqonaysaa sanadkii saddexaad oo xidhiidh ah oo ay koobkaasi ku guulaystaan.

Laacibbadda kubadda cagta ee Dumarka ee BBC

BBC-da ayaa shaacisay gabdhaha u tartamaya abaalmarinta ay ku bixiso gabadha ugu wanaagsan ciyaaraha kubadda cagta.

Gabdhaha Sharaxan waxa ay ka soo kala jeedaan Spain, Germany, Scotland, Brazil iyo Nigeria.