Nadine Kessler

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Waa kabtanka mid ka mid ah kooxaha haweenka ee ugu taariikhda weyn Yurub, isla markaana ay ka tirsan yihiin cayaaryahano muhiim u ah xulka qaranka haweenka Jarmalka. Ma jirto bilad kubadda cagta haweenka ah oo aanay ku guuleysan Kessler, weliba marar badan.

Kessler oo 27 jir khadka dhexe ah, ayaa kabtan u ahayd kooxda Wolfsburg ee ka dheesha horyaalka Jarmalka ee Bundesliga, kooxda oo xilli cayaareedkii lasoo dhaafay markii labaad ee isku xigtay qaaday koobabka tartanka horyaalada Yurub ee haweenka iyo kan Frauen Bundesliga.

Guulahaasi ayaa u horseeday in ay qaadato bilada FIFA ee cayaaryahannada ugu wanaagsan sanadka 2015-ka, iyada oo ka guuleysatay gabadha ay kawada tirsan yihiin xulka qaranka Jarmalka ee Nadine Angerer. Balse waxa ay su’aal ka taagan tahay sida ay uga soo dhalaali karto tartanka Canada 2015, maadaama ay dhawaan dhaawacyo la kullantay.

Waxay tiri: “Waxaan doonayay in aan cayaaro kubadayda cagta, aan noqdo qof guulaystay oo aan dadaalkayga ugu wanaagsan bixiyo. Hase yeeshee sida aan leeyahay, waligay kuma riyoon wax la mid ah arrintan, in uu dadaalkaygu i gaarsiinayo oo liiskan la igu daro." [Ku guulaysiga tartanka abaalmarinta cayaaryahanadda kubadda cagta Fifa ee 2015]