Wanaaga iyo dhibaatooyinka tartanka haweenka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xulka gabdhaha ee Maraykanka

Tartanka koobka adduunka ee haweenka waxaa sanadkan marti geliyay dalka Canada oo gabdhahooda ay rubac dhammaadkii ku reebeen gabdhaha Ingiriiska.

Waxaa uu ahaa tartan aad u xiisa badan oo natiijooyinka ciyaarihiisa aan la saadaalin karin.

koobka waxaa haystay gabdhaha Jaban oo la filayay inay ceshan doonaan, hase ahaatee waxaa ciyaartii kama dambaysta ahayd 5-2 ku burburiyay gabdhaha Maraykanka, iyadoo sidii wiilasha oo kale ay saddex gool oo shantaas ka mid ah u dhalisay gabadha lagu magacaabo Carli Lloyd, muddo 13 daqiiqo gudahood ah.

Intii uu tartankani socday, oo ahayd 29 maalmood, waxaa la dheelay 52 ciyaarood.

Waxaa la oran karaa waxaa uu ahaa tartankii ugu weynaa uguna wanaagsanaa taariikhda kubbadda cagta ee haweenka adduunka.

Waxaa si aan hore loo arag looga daawanayay telefishinnada caalamka 24 kooxood oo markii ugu horreysay ku loollamaya koobka adduunka ee haweenka.

Waxaa dhacay kulammo aad u xiisa badan iyo kuwa aad u naxdin badan sida ciyaartii kooxda Ingiriiska ay semi-final-ka Japan uga badisay gool ay iyagu iska dhaliyeen.

Hase ahaatee haddana waxay ku guulaysteen kaalinta 3aad oo weligood aanay soo gaarin.

Marka la eego guud ahaan ciyaartoyda kooxaha horumar fiican ayay sameeyeen, gaar ahaan dhinaca goolhayenimada xataa gabadha goolka u haysay kooxda Ivory Coast oo gabdhaha Jarmalku ay 10-0 uga adkaadeen waxaa la sheegay inay ahayd goolhaye fiican.

FIFA waxay ku ammaantay dalka Canada soo dhoweyn wanaagsan iyo inay tartanka si heer sare ah u marti geliyeen.