Di Maria oo ku faraxsan inuu ku birayo PSG

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Angel Di Maria

Angel Di Maria ayaa sheegay in uu “aad ugu faraxsan yahay” inuu ku biirayo kooxda Paris St-Germain isagoo ka tagaya kooxda Manchester United, kaddib sanad uu garoonka Old Trafford ku dheelayay iyadoo lagu soo iibiyay lacagtii ugu badneyd ee ciyaaryahan ay koox British ah ku iibsato.

27-jirkan u dhashay dalka Argentina, ayaa dalka Qatar ku maray caafimaadka maalintii Talaadada ka hor inta uusan kharash dhan 63m oo euro (£44.3m) halkaa ugu dhaqaaqin.

Labada kooxoodba ma aanay xaqiijin in ciyaaryahanka uu ku biiray ama ka tegay.

Di Maria, ayaa 32 kulan oo uu u saftay kooxda Manchester United waxa uu u dhaliyay 4 gool kaddib markii uu kaga soo biiray kooxda Real Madrid Agoostadii la soo dhaafay.

Di Maria, ayaa ciyaartii ugu horreysay ee uu ka dheelay Old Trafford waxa uu dhaliyay gool, ilaa iyo saddex ciyaar oo ka mid ah afartii ciyaar ee ugu horreysayna baasas uu dhiibay ayuu gool ku dhashay.

Waxaase aad loogu xasuustaa ciyaartii kaarka cas loo taagay ee ka tirsaneyd koobka FA-ga ee ay kooxdiisa la yeelatay kooxda Arsenal 9-kii bishii March ee sanadkan, markaa wixii ka dambeeyayna ciyaar kale lagumaba soo bilaabin ilaa ciyaartii ugu dambeysay horyaalka ee ay kooxdiisa la yeelatay kooxda Hull, 23 daqiiqo oo kaliya ayuuna dheelay oo dhaawac ayaa garoonka looga saaray.