EPL: Kooxdee ugu taageero badan Afrika

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Taageerayaasha EPL ee Afrika

Taageerayaasha ciyaaraha kubadda cagta ee qaaradda Afrika, gaar ahaan kuwa daawada ciyaaraha Premier League (EPL), ayaa waxa ay gaarayaan 260 milyan oo qof. Waxaa soo raaca in kabadan hal bilyan oo qof oo daafaha dunida ku nool.

Billowga xilli ciyaareedka 2015-16kii, Afrika kumannaan qof, ayaa diyaar u ah oo daawanaya ciyaartii ugu horeysay, waxayna ka daawanayaan shaashado waaweyn.

Beri, oo ah Sabti, ayaa cayaartaha tartanka kubadda cagta ee EPL ay ka bilaabanayaa ENgland, waxaa la filayaa in malaayiin qof ay meelo kala duwan ka daawan doonaan.

Laakiin, kooxdee ugu caansan uguna taageero badan Afrika?

Waa suuragal inaynaan si sax ah u ogaan jawaabta dhabta ah ee su’aashan, laakiin baaritaan baraha bulshada lagu sameeyay ayaa waxa ay na siisay jawaab fikrad fiican bixineysa.

Jawaabta ugu badan waxaa laga helay dadka ku xiran bogga twitter ka ee Premier League Ingiriiska, iyadoo dalkastaa tiro dad ah laga sooqaatay.

Waxaa loo maleynayaa in Chelsea ay tahay kooxda ugu caasan qaaradda, laakiin fikradaha qaar waxay soo jeedinayaan in Arsenal ay ugu taageero badan tahay.

Afrikada Bari

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Waxa uu u dhashay dalka kenya

Dadka ku nool Bariga Afrika, waxa ay aad u taageeraan kooxda Arsenal, oo ku guulaysatay koobkii 2003 ee horyaalka England, iyadoo aan hal cayaarna laga badin 49 kulan.

Waxaa Arsenal in laga taageero gobolka ugu wacnaa ciyaaryahannadii lafdhabarta u ahaa Arsenal sida, Nwankwo Kanu, Emmanuel Adebayor, Kolo Toure iyo Lauren in ay ka yimaadeen Africa.

Guud ahaan qof taageeradan Arsenal u soo jiiday waa cayaaryahanka Nigeria ee Kanu.

Laakiin arrinta la yaabka leh, waxay tahay in hal qof oo ka soo jeeda Bariga Afrika inuu EPL ka ciyaaro, waanan Victor Wanyama oo u dhashay dalka Kenya.

Afrikada Koonfureed

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Wuxuu ka soo jeedaa Koofurta Afrika

Wax lala yaabana maahan in Manchester United ay tahay kooxda loogu taageero badan yahay Koofurta Afrika.

Afrikada Galbeed

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Ma jiro qof EPL ka hadli kara, isagoo aan soo hadal qaadin, Didier Drogba, Solomon Kalou, Samuel Eto'o, Victor Moses, Michael Essien iyo John Mikel Obi.

Dhammaan waxay ka soo jeedaan Galbeedka Afrika waxayna u ciyaaraan kooxda Chelsea ee loo yaqaan "The Blues".

Afrikada Waqooyi

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Wuxuu u dhashay dalka Masar

Dhanka Waqooyiga Afrika, Arsenal waa kooxda ugu caansan, looguna jecel yahay. The Gunners ayaa waxa ay wakiillo fiican ku leeyihiin dalalka Morocco, Algeria iyo Tunisia.

Kooxaha cayaaraha ee dalalkan, ayaa kooxda ka dhisan waqooyiga London ee Arsenal ka hela dhiirigalin aad u wanaagsan oo ah "Noqo Arsenal. Noqo orod yahan".