Natiijada ciyaarihii maanta

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Leicester City ayaa dhalisay goolashii ugu badnaa maanta ciyaartii ka dhacday garoonkeeda.

Maanta waxaa jiray lix ciyaarood oo lagu bilaabay furitaanka horyaalka Ingiriiska. Waxaana loo kala badiyay:

Manchester United 1- 0 Tottenham Hotspur

Bournemouth 0 -1 Aston Villa

Everton 2 - 2 Watford

Leicester 4 - 2 Sunderland

Norwich 1 - 3 Crystal Palace

Chelsea iyo Swansea ciyaartoodu waxay maraysaa laba iyo hal gool oo ku horayso Chelsea qaybtii hore ee ciyaarta.

Leicester City waxay dhalisay goolasha ugu badan maalinta 1aad ee tartanka horyaalka. sidaas ma ku wadi doonaan mise waa bilawga hore oo keliya.

Saddexda kooxood ee sanadkan horyaalka ku soo biiray oo kulammadoodii 1aad u saftay lba ka mid ah waa laga badiyay kuwaas oo kala ah: Bourne mouth iyo Norwich, hase ahaatee Watford barbardhac ayay heshay.

Horyaalka waxaa maalinta 1aad hoggaanka u qabatay kooxda Leicester City maadaama ay goolasha ugu badan dhalisay.