Benzema oo la maxkamadeynayo

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Karem Benzema, oo ka tirsan xulka kubadda cagta ee Faransiiska

Xiddiga kubadda cagta ee kooxda Real Madrid, Karim Benzema, ayaa lagu wadaa in uu maanta ka soo hor muuqdo maxkamad dambi baaris ah oo ku taal waddanka Faransiiska, isagoo lagu soo eedeeyay kiis cabsi gelin ah.

Baarayaasha ayaa doonaya in ay go’aan ka gaaraan haddii uu Benzema wax lug ah ku lahaa iskuday lacag baad ah looga qaadi lahaa ciyaaryahanka ay ka wada tirsan yihiin xulka Faransiiska ee Mathieu Valbuena, kaddib cajalad galmo oo ku dhacday gacmaha dad looga shakisan yahay in ay yihiin dadka dadka cabsi galiya ee baadda qaata.

Qareenka weeraryahanka kooxda Real Madrid ayaa sheegay in macmiilkiisa uusan wax dowr ah ku lahayn iskudayga lacagta baada ah uuna diyaar u yahay in magaciisa uu arrintaas ka nadiifiyo.

Benzema ayaa habeen ku qaatay xabsi ku yaal deegaanka Versailles ee daafaha magaalada Paris kaddib markii ay gaartay codsi loogu yaarayay oo ahaa in uu maxkamadda ka soo hormuuqdo.