Musa Bility oo loo diiday musharaxnimada FIFA

Lahaanshaha sawirka
Image caption Musa Bility

Musharaxa u dhashay dalka Liberia ee Musa Bility, ayaa laga reebay tartanka loogu jiro xilka madaxtinimada FIFA, kaddib baaritaan ku aadan hufnaantiisa.

Guddiga maamulka ciyaaraha kubadda cagta adduunka ayaa waxa uu meel mariyay shan xubnood in ay u tartami karaan xilka madaxtinimada FIFA, iyadoo sidoo kale liiska laga reebay madaxa Uefa, Michel Platini, ee shaqada laga joojiyay.

Hasayeeshee Platini ayey suuragal tahay in lagu daro liiska haddii ganaaxiisa uu dhamaado ka hor doorashada Febraayo.

Amiir Ali bin al-Hussein, Jerome Champagne, Gianni Infantino, Sheikh Salman bin Ebrahim al-Khalifa iyo Tokyo Sexwale ayaa ah xubnaha la meelmariyay in ay tartami karaan.

FIFA ayaa sheegtay in aanay bixinayn faalo intaa ka badan oo ku saabsan sababaha looga reebay tartanka Musa Bility, iyadoo 48-jirkan uu racfaan gayn karo maxakamadda dhexdhexaadiso arrimaha ciyaaraha.

Doorashada FIFA ayaa waxa lagu doonayaa in lagu helo ciddii badeli lahayd, Sepp Blatter, kaasi oo shaqada laga joojiyay ayna ku socoto baaritaan dambi.

79-jirkan u dhashay dalka Switzerland ayaa ku dhawaaaqay bishii June in uu shaqada iska casilayo, xilli guddiga maamula ciyaaraha kubadda cagta adduunka uu bartamaha kaga jiro fadeexo musuqmaasuq.