Ciyaar dhexmari lahayd Belgium iyo Spain oo la joojiyay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Belgium waxaa ka socda howlgal lagu ugaarsanayo ninka looga shakisan yahay inuu weerarka Paris ku luglahaa

Ciyaar saaxiibtinimo ah oo kubadda cagta ah oo ay yeelan lahaayeen Spain iyo Belgium oo lagu qaban lahaa magaalada Brussels Ayaan la qaban kaddib cabsi ka dhalatay weeraradii dhimashada badan sababay eek a dhacay magaalada paris.

129 qof ayaa weerarkaasi oo dhacay habeenkii jimcaha ku dhimatay, meelaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ahayd garoon ay kuwada ciyaarayeen dalalka Jarmalka Iyo faransiiska oo saaxiibtinimo ahayd.

Dacwad oogayaasha faransiiska waxa ay magacaabeen nin u dhashay Belgium inuu ahaa ninkii abaabulay weerarada faransiiska.

Lahaanshaha sawirka
Image caption Mid ka mid ah weeraradii Paris waxaa lagu qaaday garoon kubadda cagta lagu ciyaaro

Dowladda Belgium ayaa dhankeeda sare u qaaday howlgallada ay ugu yeertay ladagaallanka “argagixisada, waxayna sare u qaaday heerka haliska illaa darajada Sedaxaad, taas oo tilmaameysa in halis aad u sareysa ay jirto.

Xiriirka kubadda cagta ee Belgium waxa ay sheegeen in iyagu ay gaareen go’aanka lagu joojiyay in ciyaartaasi la qabto, kaddib markii ay wadatashi la sameeyeen dhigooda dalka Spain.

"Iyadoo la eegaya xaaladda aan caadiga ahayn ee taagan, halis magelin karno ciyaartoyda iyo taageerayaasha,” ayey yiraahdeen xiriirka kubadda cagta ee Belgium.