horyaalka Britain oo Astaanta Faransiiska qaadaya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dhammaan garoomada lagu ciyaarayo ayaa astaantaasi laga qaadaayaa

Heesta astaanka dalka faransiiska ayaa maanta lagu furidoonaan kulamada ciyaaraha horyaalka Premier League ee Ingiriiska.

Ciyaartoyda labada koox ayaa si wareeg ah u istaagi doona ka hor inta astaanka aan la qaadin.

Madaxa fulinta ciyaaraha horyaalka Premier League, Richard Scudamore ayaa arrintaasi waxa uu ku micneeyay tallaabo lagu muujinaayo wadajirka iyo xusidda weeraradii paris ee sababay dhimashada 129 qof.

Heesta astaanka faransiiska ee La Marseillaise sidoo kale waalagu luqeeyay ka hor inta aysan bilaabanin ciyaartii England ay Faransiiska ka badisay ee Talaadadii.

Qiyaastii 72 Ciyaaryahan oo u dhashay Faransiiska ayaa hadda ku sugan Premier League.

"Muujinta sida aan isugu dhownahay, iyo xiriirka soo jireenka ah eek a dhexeeya Premier league iyo Raransiiska, inaan qaadka La Marseillaise waa muujinta midnimada iyo xasuusahsda waa arrinta saxda ah ee aan sameyneyo," ayuu yiri Scudamore.

Chelsea waxa ay ku dhawaaqday inay ciyaartoydooda xiranayaan maryo madmadow iyo calanka Faransiiska, inta ay socoto kulanka maanta ay gurigooda kula yeelanayaan kooxda Norwich City.

Kooxda Newcastle United ayaa sidoo kale ciyaartoydooda u xiraya maryo madow marka ay garoonkooda ku qaabilayaan maanta kooxda Leicester City.

Dhammaan kooxaha horyaalka Premier League ayaa lagu wargeliyay halista hadda taagan iyo hanaanka amniga loo ilaalinayo.