Natiijooyinka horyaalka Ingiriiska ee Sabtidan

Kooxda Manchester City Lahaanshaha sawirka bbc
Image caption Kooxda Manchester City

Sabtidan waxaa dhacay lix ciyaarood oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Waxaana loo kala badiyay:

Manchester City 3 - 1 Southampton.

Aston Villa 2 - 3 Watford

Bournemouth 3 - 3 Everton

Crystal palace 5 - 1 Newcastle

Sunderland 2 - 0 Stoke

Leicester City iyo Manchester United ciyaartoodu way socotaa waqtiga daabacaadda maqaalkan. Waxayna kala joogeen 1- 1 qaybtii hore iyadoo Leicester uu gool u dhaliyay laacibka Jamie Vardy oo jebiyay taariikhdii hore ee gool dhalinta kaddib markii uu 11 ciyaarood oo isku xiga goolal ka dhaliyay horyaalka sanadkan.